Awdalpress – Muqdisho – Xarakada Alshabaab ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/08/14, sheegtay inay ka dambeeyeen dilkii maanta Magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Mad-deer oo ka tirsanaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Mad-deer oo ka tirsanaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kooxo hubeysani ku toogteen degmaada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Kooxo hubeysan ayaa toogtay xildhibaanka isaga oo ka soo baxay masaajid uu ku soo tukaday salaaddii Jimcaha, iyada oo la sheegay in kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Marxuum Sheekh Aadan Mad-deer ayaa wuxuu noqonayaa xildhibaankii shanaad oo sannadkan lagu dilo magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo laba toddobaad ka hor lagu dilay Muqdisho xildhibaanad Saado Cali oo ka mid ahay xildhibaannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka.
“Allaha u naxariistee xildhibaanka waxaa toogtay saddex nin oo bastoolado ku hubeysan, waxaana lagu dilay agagaarka masaajidka Afar irdoonka mar uu kasoo baxay salaaddii Jimcaha ee maanta,” ayuu yiri xildhibaan Sidoow Abaadir oo ka tirsan baarlamaanka.

Afhayeenka Howlgalada Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay ka dambeeyen Dilka Xildhibaanka, waxana uu sheegay in muddo badan ay ku daba joogeen balse maanta ay gaadhen dantii ay ka lahaayeen.
C/casiis Abuu Muscab Waxa uu ku hanjabay inay sii laba jibbaari doonaan Weerarrada ay la beegsanayaan Xildhibaanada Dowlada Federaalka.
” Ciidamadeen sida gaarka u tababaran waxa ay ku guuleysteen inay fuliyaan qeyb kamid aheyd Howlahooda waxa ayna goobta ka baxsadeen iyagoo badqaba”
Dhanka kale, C/casiis Abuu Muscab waxa uu Tilmaamay inay ku howlan yihiin weeraro kaasi lamid ah oo ay ku beegsanayaan Xildhibaano kale, waxa uuna ku baaqay inay iska ilaaliyaan waa haddii ay is jiri karaan.
Awdalpress





