Awdalpress – Muqdisho – Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday Munaasabad tababar loogu soo xidhayey Ciidamo Somaliyeed oo tababar gaar ah la siinayey muddo, tirada askartan ayaa gaadhaysa 250 askari oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Munaasabada Tababarka loogu soo xidhayey ciidankan ayaa waxa ka qeyb-galay saraakiil sare oo ka socotay Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Saraakiil matalayay Midowga Yurub, Taliyaha Ciidanka AMISOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM.
Tababarka oo muddo 5 todobaad ah socday ayaa waxa lagu baranayay dagaalada magaalooyinka dhexdooda ah, ilaalinta xuquuqul insaanka, kaasi oo ay bixinayeen Macalimiin isugu jirta Soomaali iyo kuwo ka socda ururka Midowga Yurub gaar ahaan hoggaanka qeybta tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Ugu horeyntii munaasabadda ayaa waxaa lagu bilaabay heesta Astaanka Calanka Soomaaliyeed, waxaana intaa ka dib shahaadooyin la guddoonsiiyay askartii tababarka dhammeysatay taasi oo muujinaysa in askariga wata shahaadadaasi uu qaatay tababar la xiriira xirfad gaar ahaaneed oo lagu kalsoon yahay.

Brigadier Janaraal MASSIMO MINGIARDI oo ah madaxa hoggaanka Tababarada Midowga Yurub ee Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in tababarada noocaan oo kale ah ay uga go;leeyihiin in sare loo qaado xirfadda iyo aqoonta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka hoggaan ahaan uu ballan qaaday in ay sii wadayaan dar dar galinta tababaradani.
Gabagebadii munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Abbaanduulaha Hoggaanka Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen C/qaadir Macalin Nuur, isaga oo sheegay in dhawaan la soo gabagabeeyay saxitaanka darajooyinka saraakiisha ciidanka xoogga islamarkaana inta kale ee dhimana la dhameystiri doono, waxaana askartani maanta tababarka loo soo xiray uu ku adkeeyay in ay ka qeyb qaataan difaaca dalka.
Tababaradani ayaa waxa ay kor u qaadi doonaan xirfadda tababar ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, taasi oo qeyb ka ah dadaallada dib u soo celinta heybaddii iyo sharafta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya uu lahaan jiray.
Awdalpress





