Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Gaaska Puntland oo sheegay in maamulkiisu xidhiidhkii u jaray dawladda Federaalka Somaliya.

$
0
0

Breaking_news-620x3301Awdalpress – Garawe -War aan goor dhoweyd ka hellay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garawe, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland C/weli Gaas uu shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa uu uga hadlay Maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo shalay lagu kala sexeexday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas waxa uu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in Maamulkiisa aanu Taageersaneyn Heshiiskii ka dhacay Villa Somalia ee looga arinsanaayay Maamulka G/ Dhexe.

Waxa uu tilmaamay in Dowlada Federaalka Somalia waddo shirqoolo loo maleegaayo Shucuubta iyo Beelaha soomaaliyeed ee halkaasi ku wada nool, waxaN uu meesha ka saaray in dhismaha Maamuladaasi aanu wax dan ah u soo wadin dadka degaammadaa wada dega.

Dhanka kale, Madaxweyne Gaas waxa uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay inay maanta wixii ka bilowda Xidhiidhka Siyaasadeed u jareen Dowlada Federaalka Somalia, isla markaana aanay dowladda Federaalka Somalia aysan isugu imaan doonin wax wada xaajood ah.

Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa muddo 15 cisha ah u qabtay xubnaha Puntland matala ee ku jira golayaasha dowladda dhexe ee Soomaaliya inay si dhaqso ah Muqdisho uga soo baxaan.

HOOS KA AQRISO QORAALKA LAGA SOO SAARAY SHIRKA JARAA’ID EE MADAXWEYNE GAAS:-

Puntland markay aragtay heshiiskii maamul-u-samaynta gobollada dhexe oo taariikhdiisu ahayd 30/7/2014-ka. Markay eegtay dastuurka dlka qodobkiisa 50-aad, faqradiisa shanaad iyo lixaad. Markay aragtay dastuurka qodobkiisa 52-aad, faqradiisa labaad, xarafka (B) iyo faqradiisa saddexaad, waxay ku gaartay go’aan sidan soo socot.

1. Puntland waxa ay ka soo hor-jeeddaa heshiiskii maamulka loogu sameynayo gobollada dhexe, kaasi oo khilaafsan dastuurka Soomaaliya.

2. Puntland waxa ay aad uga xun tahay ka qayb-galka shirka ee xubnihii ka socday beesha calaamka, maaddaama heshiiskaasi uu yahay mid khilaafsan dastuurlka KMG ah ee dalka u yaalla.

3. Waxa ay Puntland nasiib-darro u aragtaa in madaxdii sare ee dowladda federaalka ah ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor-imanaya dastuurka dawladda, iskana hor-keenaya bulshada Soomaaliyeed.

4. Puntland waxa ay wada-tashi ugu yeedhaysaa xubnaha kaga jira golayaasha dowladda dhexe ee ka soo jeeda deegaannada Puntland muddo 15 maalmood gudahood ah, ugu dambeyn 15-ka bisha Augus-to ee soo socota.

5. Sidoo kale, Puntland waxa ay dib ugu yeedhaysaa xubintii uga wakiilka ahaa guddiga dib-u-eegista dastuurka, Caasha Geelle Diiriye.

6. Puntland waxa ay go’aan ku gaadhay inay gebi ahaanba joojisay wixii xidhiidh iyo wada-shaqayn ah ee ay la lahayd dowladda federaalka Soomaaliya.

7. Puntland waxa ay caddeyneysaa wax alla iyo wixii dhib ah ee ka yimaadda heshiiskaasi aan sharciga ahayn ee maamul-u-samaynta gobollada dhexe oo qaybo ka mid ah ay ka taliso Puntland ay mas‘uul ka tahay dowladda dhexe.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images