Awdalpress – Damam – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Hirsi Haji Ali oo muddaba booqasho ku joogay dalka Saudi Arabia, ayaa waxa uu la kulmay Jaaliyadda dalkaasi, waxana uu kala hadlay mashruuca dhismaha jidka isku xidha Ceeri-gaabo iyo Burco oo uu ka mid yahay madaxda reer Somaliland ee bud dhigga u ah mashruucaasi. Intii uu joogay magaalada Jidda ee aanu uga ambabixin magaalada Damamna waxa uu kula kulmay Jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaasi. Kulankaasina sidan ayuu uu dhacay:
Caawa amma habeen danbana waxa uu la kulmi doonaa Jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Damam iyo meelaha ku dhaw deggen.
Awdalpress.com




