Awdalpress – Muqdisho – Caawa fiidkii waxa rasaas xooggani ka dhacday xaafadda Wadajir ee gobolka Banaadir. wararka immiga la helayaana waxa ay sheegayaan in ay ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Somalia uu dagaal ku caawa ku dhexmaray xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir.
Sababta degaanku u dhacay ayaa lagu sheegayaa in ciidammo ka tirsan nabadsugidda Somalia ay weerareen guriga sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ku yaalla xaafaddaasi, waxana la sheegayaa in ay ciidammada nabadsugiddu u weerareen guriga sargaalkan oo hub culusi uu yaallay.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo, Cabdi Ileys oo hadal kooban siiyay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ciidammo ay ku soo weerareen gurigiisa isna uu iska difaacay, balse ma bixin faahfaahin intaas ka badan.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay saxaafadda in dagaalkaasi ay ku dhinteen afar ruux oo dhinacyadii dagaalamay ka kala tirsan, waxa kale oo la sheegayaa in dad shacab u badan oo goobtaasi ka dhawaana ay ku dhaawacmeen.
“Iska-horimaad xooggan ayaa dhexmaray ciidan kawada tirsan kuwa dowladda, waxaana iska-horimaadka oo muddo kooban socday uu yimid kaddib ciidammo nabad-sugidda ka tirsan ay weerareen guriga sarkaalka ka tirsan ciidamada milateriga. Anigu waxaan arkay dhimashada afar qof oo askar iyo shacab isugu jiray iyo dhaawac dad shacab h oo ay ku jireen afar gabdhood oo dhallinyaro ah,” ayay tiri Nuuro Ciise oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda Buulo-xuubeey.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu billowday xilli ay dadku ku fiidsanayeen laamiga weyn ee xaafaddaas mara iyo xaafadaha, markii ay rasaastu billaabatayna ay inta badan dadku guryahooda galeen.
“Cabsi weyn ayaa nala soo daristay, waayo xilliyo dhow lagama maqal xaafadda rasaas sidan oo kale ah, runtii cabsi weyn ayaa na-haysa,” ayuu yiri Cali Muuse oo isaguna ka mid ah dadka xaafaddaas ku nool.
Dhanka kale, saraakiil ciidan iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan ayaa gaaray guriga markii uu dhamaaday weerarka, inkastoo aan wax badan laga ogeyn wixii ay kawada hadleen iyaga iyo Cabdi Ileys oo ah sarkaalka gurigiisa lagu qaaday weerarka.
Ciidamadii nabad-sugidda Qaranka ee weeraray guriga sarkaalka ayaanay u suuro-gelin inay gudaha u galaan guriga sarkaalka, waxaana haatan labada ciidamadii nabadsugidda ay ku sugan yihiin agagaarka guriga sarkaalka.
Awdalpress.com




