Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

JEN. INDHA-QARSHE: “Boqollaal Sarkaal oo darajooyin been haysta ayaan ogaannay”.

$
0
0

Awdalpress – Muqdisho – Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa shaaciyay inay ogaadeen in 400 oo saraakiil ah ay haystaan darajooyin been abuur ah. Shir jaraa’id oo uu taliyuhu ku qabtay xarunta wasaradda gaashaandhigga ee Muqdisho ayuu ku sheegay inay wadaan qorshayaal ay darajooyinkaas ku saxayaan, isagoo sheegay inay ka mid yihiin saraakiishaan kuwo darjooyinka qaatay intii uu dalku burburka ku jiray. “Waxaan sameynay baartaanno aan ku ogaannay in 400 oo askari oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka ay haystaan darajooyin la been abuuray.

 

indha-qarsheArrintan waxaan u xilsaarnay guddi warbixintii ay keennanna waxaa hor-dhigi doonnaa golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya,” ayuu yiri Jen. Indha-qarshe. Jeneraalka ayaa intaas ku daray in ciidamada xoogga dalka aanay lahayn saraakiil xigeenno, ayna dhawaan tababar ugu fureen saraakiil xigeennada ciidamada xoogga dalka xerada Jasiira ee duleedka Muqdisho. Tan iyo markii uu dalku galay burburka ayaa waxaa soo baxay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo wata darajooyin sarsare sida jeneraal, iyadoo sidoo kalena ay jiraan darjooyin la siiyay dad aan horay ciidamada u soo marin.

 

Dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray ayaa bixisay darajooyin badan oo ciidamada ah, iyadoo ay jireen xubno aan horay ciidamada uga tirsanayn oo la siiyay jeneraalnimo, iyadoo dhowr jeer oo hore laga hadlay qaadashada darajooyinka ciidamada. Hadalka taliyaha ayaa imaanaya isagoo shalay ku dhawaaqay inay maalmo dhowr gudahood billaabi doonaan dagaal ay ku doonayaan inay Al-shabaab kaga saaraan deegaannada ay kaga sugan tahay dalka. Ugu dambeyn, taliyaha ayaa sheegay inay soo dhameystireen qorshaha ay ku doonayaan inay ku weeraraan Al-shabaab, uuna dagaalkan yahay midkii kama dambeysta ahayd ee ay Al-shabaab kaga sifeyn lahaayeen dalka oo dhan.

Awdalapress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images