Awdalpress – Geb – Dugisga Sare ee Hoyga ah, ee la yidhaa Geb kuna yaalla degmada Lughaya ee gobolka Awdal ayaa gebi ahaanba ay dabaylo xooggani ku dhufteen, waxana dhismayaashii dugsiga soo gaadhay khasaare laxaad leh, oo u baahan kaalmo deg deg ah.
Dugsigan oo uu dhismihiisa hormood ka ahaa, wasiirka arrimaha dibadda Dr. Bele ee dawladda Ra’iisal wasaare Abdiweli Sheikh Ahmed, ayaa ahaa mid ay qurba joogga degaanka Awdal ka soo jeedaa ay ku dhiseen iskaa-wax-qabso. Kaddibna ay fursad waxbarasho ka heleen carruurtii amma ardaydii degaankaasi, ee aan hore u haysan waxbarasho. Intii uu dhisnaana waxa ka aflaxay arday aad u badan. Wakhtigan lagu jirana waxa ay ahayd xilligii ay ardaydu fasaxa ahayd, waxase ay ku soo noqon doonaan bisha soo socota. Intaa ka horreysana waxa loo baahan yahay in Maamulka Somaliland ee uu hoos yimaaddo iyo shacabka degaanka ka soo jeedaaba isku tashadaan, oo suurto geliyaan in aanay wax casharro ahi ka baaqan ardaydaa.
Warka oo muuqaal ahna halkan ka daawada;
Awdalpress.com





