Awdalpress – Nairobi – Warar naga soo gaadhaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Laba ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya ay ku dhaawacmeen weerar ay kooxo hubeysani ku qaadeen xalay saldhig booliis oo ku yaalla deegaanka Fino ee duleedka Madheera.
Saraakiishan ayaa la sheegay inay dhaawacyo culus soo gaadheen, waxana la qorshaynayaa in maanta loo duuliyo Nairobi si loogu soo daweeyo sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliiska deegaanka Fino.
Deegaanka Fino ayaa masaafo yar dhinaca koonfur-galbeed ka xiga Mandheera, wuxuuna ku dhow yahay xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya, iyadoo kooxaha weeraray la sheegay inay ka tallaabeen soohdinta.
“Kooxaha hubeysani waxa ay isku gadaameen saldhigga ka hor intii aanay xabbadaha ku furin goobtaasi,” sidaa waxa yidhi Bernand Kosgey oo ka mid ah labada sarkaal ee weerarkaas ku dhaawacmay.
Bernard Kosgey waxa kale oo uu sheegay in kooxaha hubeysani ay saldhigga ku fureen hub kala duwan oo ay ku jireen baasuukayaal iyo rasaasta ka dhacda qoryaha daran-doorriga u dhaca.
“Annaga oo baadhitaan ku haynay gaadhi xammuul ah oo ka yimid Mandheera, ayaan mar kaliya rasaas xooggan maqalnay, aniga xabbad cusul ayaa waxa ay igaga dhacday gacanta bidix,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Sidoo kale, sarkaalkan dhaawacmay waxa uu sheegay in kooxahani ay markii hore rasaas xooggan ku fureen saldhigga, kaddibna ay iyaga soo abbaareen.
“Dableydii na soo weerartay tiradoodu waxa ay ahayd in ka badan boqol qof, maxaa yeelay rasaastu waxay ka dhacaysay meel walba, innagu wax jawaab ah kama bixin rasaasta, dantu waxaay nagu qasabtay in aan dhuumanno,” ayuu mar kale yiri Kosgey.
Isaga oo sii hadlaya ayuu sarkaalkan sheegay inay u qaylo dirsadeen ciidammada milateriga Kenya, balse aanay u iman, laakiise afar saacadood kaddib ay soo gaareen ciidammo booliis ahi.
Guddoomiyaha degmada Mandheera, Bosita Omukolong ayaa isaguna sheegay naysan jirin cid laga soo qabtay kooxihii weeraray saldhigga booliiska Fino. isagoo intaas ku daray in kooxaha hubeysan ay gubeen teendhooyin ciidamada u dhisnaa.
Si kastaba ha ahaatee, dalka Kenya ayaa wuxuu bartilmaameed u ahaa sannadihii lasoo dhaafay xoogagga Al-shabaab, inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii xalay dhacay.
Awdalpress





