Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Obama oo qalinka ku duugay sharci cusub oo loo sameeyey Xawaaladaha lacagaha xawila

$
0
0

ObamaMadaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa si rasmi ah u saxiixay sharciga horumarinta xawaaladaha oo dhawaan uu ansixiyay aqalka sare ee dlka Mareykanka.

Sharcigan ayaa aad uga sahlan habkii lagu maamuli jiray shirkadaha xawaladaha Maraykanka oo ay aad uga faa’ideystaan Soomaalida iyo qowmiyada kale ee dalka Mareykanka ku nool.

Sidoo kale, sharcigan ayaa dhigaya in baadhitaannadii heerarka gobol iyo tii dowladda dhexe ee lagu sameyn jiray lacagaha xawaaladaha loo sameynayo wixii hadda ka  dambeeya heer gobol oo keliya.

Waxyaabaha sharcigani uu fududeynayo waxaa ka mid noqon doona dhibaatooyinkii iyo baadhitaannadii dheeraadka ahaa ee horay loogu sameyn jiray xawaaladaha Soomaalida, ee ayqarashaadka badan ku bixin jireen muddo dheerna qaadan jirtay .

Mudane Keith Ellison oo Congresska ka soo gala gobolka Minnesotta oo sharcigan ka ahaa hormuud ayaa soo dhaweeyay tallaabada Madaxweynaha uu ku saxiixay heshiiskan.

“Dhaqan-galka sharcigan wuxuu farxad u yahay mujtamaca qurba-joogta Somaliyeed ee Mareykanka ku sugan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed iyo Hmongka ee aan matalo, kuna faano,” ayuu yiri mudane Ellison.

Xildhibaanka ayaa ka soo shaqeeyay xeerkan; waxaana sidoo kale uu waday olole ah in xawaaladaha Soomaalida laga qaado xayiraaddii xagga bangiyada oo sababay in la xiro xisaabaadyadii ay lacagaha ay u dirayaan Soomaaliya la sii marin jiray.

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa dadaal xooggan ugu jiray sidii loo badbaadin lahaa xawaaladaha oo ah marin isku xidha taageerada qurbo-joogta iyo malaayiin eheladooda ah oo ku nool Soomaaliya, kuwaasi oo ku tiirsan lacagaha ay u soo diraan ehelladooda dibadaha ku nool.

Awdalpress

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images