Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo ay ku jiraan xisbiyada UCID iyo Wadane oo Mucaaridka ku ah xukuumadda Somaliland oo ku hanjabay in ay soo dhisi doonaan dawlad wada jir ah, oo laga wada dhex muuqdo.

$
0
0

Golaha wada tashigaAwdalpress – Hargeysa – Xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in dawlad ku meelgaadh ah la dhisi doonno haddii  doorashaddii madaxweynenimadda ee june, 2015 dhici lahayd la arko inay dib uga dhacayso.

Xisbiyadan mucaaradka ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay ka gaabinayso inay dalka doorasho ka dhacdo wakhtigii loogu tallogalay, isla markaana ay doonayso in loo kordhiyo xukunkeedda.

Sidaasna waxay ku sheegeen shirjaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Hargeysa, waxaanay halkaasi ka sheegeen in aanay suurtogal ahayn in xukuumaddan loo kordhiyo maadaama aanay jirin aafooyin dalka ka dhacay iyo dagaal ka socda midkoodna taas oo ah arrinta kaliya ee loogu kordhin karo.

“Waxaanu isla garanay in ay dalka ka jirto nabadgalyo taam ah taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in doorashadda wakhtigeeddii la qabto, in la hello diiwaangelintii codbixiyeyaasha oo wakhtigii loogu tallogalay ku qabsoonta, in ay lama huraan tahay in guddida doorashooyinka oo wakhtigooddii gabaabsi yahay laga wada tashaddo waxa laga yeellayo, in wax laga bedelo qaabka loo soo xullo xubnaha guddida doorashooyinka oo laga dhigo tiro siman oo xisbiyaddu tiro isku mid ah ku yeeshaan, haddii doorashadu qabsomi waydo  waxa eeddaasi iska leh xukuumadda, haddii tobanka December  la arko in aanay doorashaddu qabsoomeyn bisha june ee sanadka soo socda waa in laga wada tashaddo  xukuumaddii bedli lahayd”ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay xisbiyadda mucaaradka iyo siyaasiyiinta la magac baxay madasha wadatashiga  oo si wada jir ah usoo saaray bayaan ay kaga hadlayaan arrimaha Doorashadda.

 

“Guurtidu waxa ay ugu kordhin kartaa xukuumadda sharci adag  oo ah in dalka dagaal ama aafooyin kale ka jiraan intaasna midkoodna kama jiro, golaha Wakiiladda iyo Guurtiduba sharci daro ayey ku fadhiyaan oo mudooyinkii way ka dhaceen, sida darteed toban bilood ayaa hadhay wax abaabul ahna ma muuqdo,  waxaana ka cabsi qabnaa in guurtidda oo bilaa sharci ahi u kordhiso xukuumadda”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka dayrinayey inay doorashaddu dib u dhacdo.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda ayaan illaa hadda ka jawaabin, iyadoo la filayo in wakhtiyadda soo socda jawaab ka bixin doonto eedaha loo soo jeediyey  iyo xisbiyada mucaaradku cabsidda ay ka qabaan in doorashadda wakhtigii looggu tallogalay dib uga dhacdo.

Awdalpress

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images