Idaacada VOA ayaa ayaa warbixin xiiso badan kasoo diyaarisay Qaabkii ay maanta u dhacday Doorashada Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Khaatumo Pro Cali Khaliif iyo Ku xigeenkiisa Cubdul Cagalulue, kadib markii ay gaadheen Goobta uu ka socday Shirwaynaha khaatumo3 ee deegaanka Saaxdheer.
HALKAN dhegayso WARAYSI
Shaki kuma jiro in maanta ay bulshada Khaatumo meelkasta oo ay joogaan ugu astaysan tahay maalin taariikhiya 14.08.2014, iyada oo ay ku tilmaam-naan doonto maalintii dhidibada loo adkeeyey maamul goboleedka Khaatumo, guulna laga gaadhay gole dhexe oo aan mid ka mid ah laga shaki qabin ,dhamaantoodna yihiin rag aaminsan sharaftooda karaamadooda iyo dadnimadooda.
Maalin la doortay madaxweyne magac iyo maamuus ku dhex leh bulshada Khaatumo, maalin la doortay madaxweyne kuxigeen mujaahid ah oo sadexdii sanno ee ugu danbaysay duurka ugu jiray sidii deegaanka Khaatumo looga sifayn lahaa cadowga , oo isaga oo aan xil rasmiya ugu magacownayn Khaatumo, haddana qaban jiray hawlihii ay ka baaqsadeen kuwii loo ig maday.





