Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Prof Ali khaliif Galayr oo ka dhabeeyey hammigiisii ahaa inuu hogaanka u qabto khaatumo State.

$
0
0
M.DhiiraneDalkii Somalia la odhan jiray muddo 20 sano iyo in ka badanba ma jirin haba yaraate hoggamiye ku soo caan baxay inuu ku guulaysto hoggaanka guud ee dalkii Somalia ee burburay. Waxa se jira hoggaamiye kooxoodyo, hoggaamiye goboleedyo iyo hogaamiye beleedyo ku soo caan baxay arimihaasi. Kuwa ugu caansan waxa ka mid ah, madaxweyne Siilanyo oo ah madaxweynaha Somaliland , Madaxweynaha maamulka Puntland Abdiweli, Sheekh Xasan  Muqdisho, Axmed madoobaha Jubba land iwm.Waxa haddaba isna imika saxaadda ku soo biiray Prof Ali khaliif oo maanta loo doortay Madaxweynaha Khaatumo State.Inkasta oo khaatumo State dhulkeeda aanay ka wada talin oo maamulka S/Land uu ka taliyo inteeda badan oo ay ku jirto Laascanood, haddana maamulka khaatumo State ee prof Cali khaliif hadda hoggaanka u qabtay waxa ka go’an inuu talada iyo mamulka khaatumo State ay gacanta ku dhigi doonaan dhawaan. Saadasha hadda muuqataana waxa ay u egtahay in Prof Ali khaliif ku guulaysan doono in uu hirgaliyo maamul goboleedka khaatumo state ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.Waxan sidaas u leehay ifaaflaha muujinaya in arinkaasi ay wada tageersanyihiin dadka hadda ay ka go’do tala Somalia sida Amison ,EU, USA, IGAD  IWM.
Sida aan wararka ku hayno waxa beesha caalamka ee aan kor ku soo sheegnay u aqoonsanyihiin gobollada bariga ee Sool iyo Sanaag Disputed land aan ka tirsanayn Somaliland iyo Puntland midkoodna. Sidaa awgeed waxa mamulka khaatumo State ee Prof Ali khaliif hoggaanka u qabtay ay u egtahay inuu helayo taageeradii dibadaha oo ay ku jirto Ethopia in loo Aqoonsado maamulka sharciga ee labadaas gobol ee Sool iyo Sanaag.
Waxa shirka  maamulka khaatumo State  lagu dhisay tuulada Saaxdheer la yidhaa oo saaran xadka u dhexeeya Somalia iyo Ethopia. Waxana ay Khaatumo halkaa u guurtay kadib markii Somaliland ay Taleex ka qabsatay.  Arrintasi oo muujinaysa in Ethopia ay raalli ka tahay talada halkaasi ka socotay oo ay natiijadeedii oo doorashadan ahna ay u soo dirsatay Madax sare oo Millatari oo goob joogayaal ka noqda. Haddiise ay diidan yihiin arrintu sidaa uma dhacdeen ama  shirkuba kama suuragaleen Saaxdheer.Marka haddaba ariimahaa oo dhan aad isku soo xooriso waxa aan shaki ku jirin in Prof Ali khaliif wakhti ku habboon,  oo uu muddaba ka shaqaynayey inuu qabtay talada Hogaanka khaatumo State. Inkastoo khaatumo State ay jirtay muddo 2 sano iyo ka badanba ah, haddana qabashada hoggaankeeda ee Prof Ali Khaliif waxa ay tahay mid culeyskeeda iska leh waayo Prof Ali khaliif waxa uu soo qabtay xilal  door ah xukumadii siyas bare oo ila wasiir ah, waxa kale oo  uu noqday Raisal wasirihii dawladda Carta ee A/Qaasim,  imiga oo Madaxweyne loo doortayna.  waxa uu  Xubin ka yahay barlamaanka Somalia.
Dr. Ali Khalif waxa  intaasi oo dhan u  dheer isaga oo ah aqoon yahayn wax ka soo dhigay Jaamacadaha waaweyn ee dalka Maraykanka. Arrimhaasi oo dhammi waxa ay prof Galaydh u suuragalinayaan xidhiidho qoto dheer oo uu ku kasban karo taageero dheraad ah oo uu u helo mamul goboleedka Khaatumo oo an hore u jirin. Sidaa awgeed dorashadiisu maamulka khaatumo loo doortay  inuu hoggaamiyo ay isku raaceen isimo iyo xildhibaannaba waa guul aad looga fakaray oo aan ku iman nin jeclaysi laakiin noqotay lama huraan in uu yahay Ruug caddaa siyaasadeed oo la maqaam ah Siilanyo, Cabdilaahi yussuf, A/Qaasim iwm .
Prof Samater, Geedi iyo shariif sakiin.
Waxa beryahan isha aad looga hayaa ragga aan kor ku xusay oo xilal  kala duwan ka soo qabtay maamuladii somalia ee ku meel gaadhka ahaa iyo baarlamaanka intaba. waxa la sheegayaa  in prof Geedi oo raysal wasaare u ahaa dawladii Cabdilaahi Youssuf uu imika ku hawlanyahay sidii uu Madaxweyne Dawlad goboleed ugu guulaysan laha gobolda Hiiraan iyo Jowhar, sidoo kale Shariif sakiin ayaa isna ku hawlan sidii maamulka dawlad goboleedka Baydhabo uu ugu noqonlaha madaxweynaha saddexda gobol ee Marka, Bay iyo Bakool.
Prof Samater oo isku sharaxay madaxweynaha Somalia 2012  ayaa u soo diga rogtay dhinaca S/LAND. isaga oo ka dhawajiyey inuu Somaliland tageersanyahay qadiyadeeda gooni isu taagga isla markaana uu u ololeynayo sidii Somaliland iyo Somalia u noqon lahaayeen laba dal oo kala madaxbannaan sidii 1960 ka hor ay ahaayeen. Waxa uu ka soo  horjeedaa dhammaanba maamul goboleedyada gaar ahaan Khaatumo state  iwm, waxa uu ku hammiyayaa sidii uu  S/Land maalin maalmaha ka mid ah madax uga noq lahaa,  iyada oo ah dawlad madaxbanaan.
Prof Ali khaliif iyo prof Samater hamigoodu  waa kaaf iyo kala dheeri, haddaba markaad labadooda is garab dhigto labada prof keeba hamigisii  hirgalay? Mise weli wax baa dhiman, oo innagu soo socda!
Madaxweyne Ergodan of  Turkey & Putin of Russia.
Labada madaxweyne ee adduunka ugu caansan oo  kala ah Madaxweyne Ergodan oo dhawaan shacabka Turkigu u doorteen Madaxweyne  isagoo hore u soo ahaa Raysal wasaraha turkiga, iyo Madaxweyne Putin oo isna ah Madaxweynaha Russia isagoo hore u soo qabtay xilka Raysalwasaraha Russsia.Labada hogaamiye waxay dalkoodu shacabkoodu badidoodu ay aminsanyihin  inay yihiin hogaamiyal Baraykaysan oo Ilaahay u soo diray wakhti ay u baahnayeen.Inkastoo aanay   la maqaam ahayn  a Mandella o lagu tilmamo modern Moses ,,,hadana waxa ay yihiin hogaamiyal dalalkoodii sharftoodii ,karamadoodii ,iyo dhaqaalahoodiiba uu soo celiyey oo lagu baraaray .
Waxan rajaynaynaa in Ilaahay Somali  siiyo  hoggaamiyayaal caalami ah oo u dhigma raggaas aan kor ku soo xusay  oo xor ka ah kooxaysi ,Gobolaysi  iyo beelaysi,  si dhibta aan uga baxno.
Mohamed Dhiirane
Edminton, Canada

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images