Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Socdaalka uu Mudane Ahmed Siilaanyo barri ku tegi doono Borama, muxuu daarran yahay?

$
0
0

Siilaanyo AmoudAwdalpress – Borama – Warar sugan oo naga soo gaadhaya magaalada Borama ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu barrito tegi doono magaalada Borama si uu uga qayb galo qalin jabinta ardayda Jaamacadda Amoud ee sannadkan 2014ka.

Aalaaba Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka qayb galaa xafladaha qalin jabinta Jaamacadda Amoud, halkaana waxa uu kala kulmaa soo dhaweyn qiimo leh, si fiicanna waxa uu u dhegeystaa warbixinnada halkaa laga akhriyayo. Isna waxa uu muddo daqiiqado ah ardayda, waalidka, shaqaalaha iyo marti sharafta xafladda fadhidaba u soo jeediyaa salaan iyo hadallo guubaabo ah. Kadibna waxa uu ku noqdaa Hargeysa.

Waxa iyana hadallo ammaan ah isla taaga qaar ka mid ah Salaadiinta, oo aad mooddo in ay yihiin horjoogayaal ciidan oo janankoodii u yimid. Kamana hadlaan, qorshe ay ardayda dambe u hayaan ama su’aalo la xidhiidha. Sidoo kale kama hadlaan horumar ay qayb ka noqdeen iyo baahi kale oo looga fadhiyo in ay dawladdu wax ka qabato. Laakiin ujeeddada ay u hadlaani waxa ay tahay uun mid is tus iyo muuji muxaafidnimo uun ah. Si aan cod kaa ka geddisan loo maqalla, waxa la sameeyey af-hayeen ku hadla magaca Salaaddiinta oo dhaqan cusub ah, raallina laga wada ahayn. Af hayeenkaasina hadalkiisa warqad ay Salaaddiinta kale saxeexday kama akhriyo, ee ra’yigiisa ayuu hadlaa, waxana uu iska ilaaliyaa in uu sheego hadal in uun ay madaxda xukuumaddu dhibsan karto.

Dhallinta qalin jabinaysa iyo dadka kale ee martida ahina waxa ay ugu neceb yihiin hadallada jilicsan ee odayadooda ka soo yeedhaya, ammaanta iyo guulwadaynta ayaa waxa ay ka qabaan xasaasiyad aad ah.

Calaa kulli xaal, xilligan uu Mudane Ahmed Siilaanyo ku soo beegan yahay Borama ayaa ah wakhti ay siyaasadda Somaliland dhalliilo leedahay, gobolkana waxa ka jira arrimo ay dadku liqi kari la’yihiin oo kaga imanaya dhinaca maamulka Ahmed Siilaanyo, sida barnaamijka shirkadda Basaska ee la dul furay degmada. Ee dhabar jabka ku ah dadkii gaadiidleyda ee ka shaqaysan jiray dadka u safraya Hargeysa iyo nawaaxigeeda oo loo diiday in ay dadka qaadaan, halkoodiina ay buuxinayaan basas casri ah oo shirkad Burco laga leeyahay ay ka shaqaysan doonto.

Guuxa kale ee jiraa, waa dareenka siyaasadeed ee ka soo kordhay gobollada bariga oo xan xantaynaysa tabashadooda iyo sida ay uga guuri karaan dhibaatooyinka kaga imanaya maamulka Ahmed Siilaanyo.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images