Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Ahmed Siilaanyo oo maanta barqannimadii soo gaadhay magaalada Borama ( Caasimadda labaad ee Somaliland ).

$
0
0

Boorama-00Awdalpress – Borama – Sida wararku ku soo gaadhayaan shabakadda awdalpress.com, waxa illaa iyo shalay magaalada Borama ( Caasimadda labaad ee Somaliland ) ka socotay soo dhaweynta wafdiga uu Madaxweyne Ahmed M Siilaanyo hoggaaminayo ee maanta soo gaadhay caasimadda labaad ee Somaliland ( Borama ). Waxana aad loo adkeeyey ammaanka magaalada , askar badan ayaana meel kasta daadsan. Laakiin kolleyba magaaladu waa ammaan aan wax dhib ah looga cabsan. Balse qaabka ammaan ilaalinta ee noocan ahi waa nooc ay xukuumadda Ahmed Siilaanyo ku dhoollo tusanayso, oo ay xoogga ay leedahay dadka tusinayso. Sida qaalib ka ahna waxa dhacda in wafdiga Ahmed Siilaanyo oo kale marka ay magaalada yimaaddaan ay sabab u noqdaan shilal lagu dhinto, sida mar ku xigeenkiisu uu yimid Borama ka dhacday.

Isla markiiba wafdigu waxa ay u gudbeen hoolka weyn ee mugga weyn quruxdana badan ee ku yaalla kamboolka Jaamicadda Amoud University. Ujeeddadii ugu muhiimsanayd ee uu u yimid, ee ahayd ardayda qalin jabinaysana  halkaa ayey immiga ka socotaa.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images