Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maxkamadda Ciidammada Somalia oo 13 dhallinyar ah ku kala xukuntay dil toogasho ah iyo xabsi dheer.

$
0
0

???????????????????????????????Awdalpress – Muqdisho – Sida muddaba ay xukuumadda Muqdishoku sugayso ammaanka ee ay ka waddo Muqdisha iyo nawaaxigeeda, ee ay ula dhaqmayso kooxaha ay ku tilmaantay nabad diidka ama Al Shabaab ee dhibaatooyinka ammaan darro ka geysta Muqdisha iyo nawaaxigeeda ayaa aad isku soo taraya, waxana Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Somaliya ay xukuno dil iyo xabsi daa’in ah ku ridday maanta 13 qof oo dhallinyaro ah, kuwaasi oo horay xukunno ay ugu ridday maxkamaddu, iyaga oo kuna xidhnaa xabsiga dhexe ee caasimadda Muqdisho, dhallinyaradan oo lagu eedeeyay inay xabsiga ku dhex-dileen maxbuus kale.

 

Afhayeenka maxkamada ciidammada qalabka sida, C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa warbaahinta u sharraxay xukunka ay maxkamadda darajada koowaad ku ridday 13-ka qof, wuxuuna sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, horayna xukunno loogu riday; balse xukunkan labaad uu ku yimid kaddib markii ay xabsiga dhexe gudihiisa ku dileen maxbuus kale oo lagu magacaabi jiray, C/casiis Muxyadiin Hiraabe.

Sidoo kale, Keyse ayaa sheegay in toddoba ka mid ah raggan lagu xukumay dil toogasho ah, lixda kalena lagu xukumay xabsi madaxaa-ha-ku-furto ah, kadib markii markhaatiyaal iyo caddeymo loo helay dambigooda.

“Maxkamaddu waxa ay xukunno kala duwan ku ridday 13-qof oo Al-shabaab ka tirsanaa, kaddib markii lagu soo eedeeyay inay xabsiga ku dhex dileen maxbuus kula xirnaa oo C/casiis Muxyadiin Hiraabe lagu magacaabi jiray,” ayuu yidhi Keyse.

Waxa kale oo uu intaa ku daray, oo uu yidhi: “Toddoba ka mid ah raggan waxaa lagu riday xukun dil toogasho ah, lixda kalena waxaa lagu xukumay xabsi daa’in, waxaana eedooda ay maxkamaddu u heshay caddeymo ku filan.”

Ruuxa maxkamadda lagu dhex-dilay ayaa ahaa askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, kaasoo u adeegi jiray maxaabiista ku jirta xabsida dhexe ee Muqdisho, waxaana dilkiisa loo sababeynayaa ciidannimadiisa.

Gabagabadii ayuu afhayeenka maxkamadda ciidammada qalabka sida wuxuu sheegay in xukunka lagu riday raggan ay rafcaan ka qaadan karaan muddo bil gudaheed ah, haddii ay qaadan waayaanna uu sidaas ku dhaqan-galayo.

Arrintan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo maxaabiis ku jira xabsiga dhexe ee Muqdisho lagu soo eedeeyo, iyadoo ay maxkamaddu horay ugu fulisay dilal toogasho, xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu eedeeyay inay falal kala duwan ka fuliyeen Muqdisho. Qaabkan sharci ee loo adeegsanayo kooxahan dilaala ah, ayaa ah hab arxan darro, oo joojiyey dilalkii ay dhagar qabayaashu ka wadeen magaalada Muqdisho. Shacabka Muqdishana waxa ay soo dhaweeyeen tallaabooyinka geesinnimada leh ee ay dawladdu ku tallaabsatay.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images