Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wakhtiga Ciidammada nabad Ilaalinta ee AMISOM ka bixi doonto Somalia oo la sheegay. ( Halkan ka akhriso )

$
0
0

LydiaAwdalpress – Muqdisho – Haweenayda ku simaha wakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee magaceeda la yidhaahdo Lydia Wanyoto,  ayaa ayada oo ku sugan magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda waxa ay u sheegtay warbaahinta in qorshaha ururka Midawga Africa uu yahay in marka la gaadho sannadka 2016 ay ciidammada AMISOM ka bixi doonaan Soomaaliya.

Lydia Wanyoto waxa ay intaa ku dartay in qorshaha hadda socdaa uu yahay in la dadajiyo dadaalka nabad raadinta Soomaaliya,  isla markaana inta aan la gaadhin 2016 in Al-Shabab laga saaro Soomaaliya oo dhan,  taasi oo dhabbaha u xaadhaysa in ciidammada AMISOM Soomaaliya iskaga baxaan.

Haweeneydan u hadashay ururka Midawga Africa, ayaa xustay in hadda la wado qorshe la doonayo in Soomaaliya lagu nabadeeyo kadibna marka la gaaro 2016ka ay dawladda Soomaaliya isku fillaato.

“Qorshaha aannu wadno waxa weeye in aanu aragno Soomaaliya oo nabad ah iyo AMISOM oo Soomaaliya laga saaro 2016ka” ayey tidhi sii hayaha wakiilka Midawga Africa ee Soomaaliya Lydia Wanyoto,  sidoo kalena waxa ay sheegtay in AMISOM ay isku diyaarinayso in Soomaaliya laga saaro 2016.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Sayid Axmed Daahir ayaa isna sheegay inay waddammada Soomaaliya u soo gurmaday ay uga mahad naqayaan dadaalka ay u galeen caawinta dawladda Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray in Soomaaliya hadda ku socoto waddada lagu gaadhi karo  horumar iyo  isku fillaansho dhinac walba ah.

Hadalka labadan mas’uul waxa ay ka hor sheegeen xiritaanka tababar magaalada Kampala loogu qabtay 30 sargaal oo ka tirsan ciidammada Soomaaliya oo la barayay sharciyada caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha.

Ciidammada AMISOM oo ka socda waddammada Uganda, Burundi,Kenya, Djibouti, Sierra Leone iyo Ethiopia ayaa waxa ay Soomaalidu ku joogaan sharci ay ka haystaan ururka midawga Africa iyo ogolaashaha dawlada Soomaaliya waxaana ay dawlada ku caawiyaan dagaalka ay Al-Shabaab kula jirto.

Golaha ammaanka ee QM ayaa sannadkii hore ee 2013 waqti kordhin u sameeyay howlgalka AMISOM waqtigaasna waxaa uu ku egyahay 2016.

Sanadka 2016, waa xilliga loo ballansanyahay in Soomaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images