Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Sheeko la yaab leh: Quba joog reer Burco ah oo inta hantidiisii la isku dayey in la dhaco, oo weliba loogu hanjabay in la dilo iyo isaga oo garab ka helay dawladda Ingiriiska iyo ……

$
0
0

sheeko dhadayWAXAAN UGA DIGAYAA  DADKA QURBA JOOGATA AH, EE MAAL GASHADA WADDANKOODII HOOYO, EE WAX U DHIIBTA EHELKOODA, IN AANAY AAMMININ, EE AY DADKAASI DOONAYAAN  IN AY KU DHACAAN, HADII AY HELAAN FURSAD WAKHTIGU U SAAMAXO, SI AAD U XAQIIQSATID HALKAN HOOSE KA AKHRISO QISO NAXDIN LEH OO ANIGA IGU DHACDAY WELINA SOCOTA…..

 

Nin aannu walaalo nahay ayaa waxa uu damcay inuu I dhaco, oo guryo aan leehay iga dhaco. Waxa kale oo uu isku deyay inuu I dilo oo uu ii dhigo mu’amaraad xataa sixir ku jiro iyo mid dil qarsoon leh.  Ilaahay Subxaana Watacaalaaye dabinnadaasi badankoodii waa uu iga badbaadiyey.

Shirqoolladiisii waxa uu ka bilaabay in uu soo abaabulo rag uu ku yidhi, “ ku qabsada bakhaar aan leeyahay horena aabahay u lahaan jiray, ee ku yaalla badhtamaha magaalada Burco.”  Halkaa marka ay sheekadu marayso ayey isaga iyo raggii afar bilood ka hor iga soo dacweeyeen  aqal ay fadhiistaan koox odayaal Habar Yoonis ah, oo ku yaalla magaalada Burco oo  loo yaqaan GUDDI CIMRAAN, dabadeed waxa  I soo gaadhay dacwad ah waxaa lagugu haystaa bakhaarkaa, markaa haddii aad  ilma Cirro tihiin ka soo gar baxa,  haddii kale inta ilmo ciro joogta ayaa go’aan ka gaadhaysa . Markaas ayaan war soo diray oo idhi, “Bakhaarka ilma Cirro malaha, ee aniga aoo Cali cirro ah ayaa iska leh. ninkii igu haystana in aan qanciyo diyaar ayaan u ahay, waxanan imanayaa bisha 7 aad  ee sannadka 2014 ee  cida igu haysataa ha I sugeen wakhtigaa”.

intaasu markii ay dhacday ayaa waxaa ila soo Hadlay nin la yidhaahdo shine Mire isaga oo ii hanjabaya, iguna leh, “ Haddaan waxaaga ganbo ganbo u xaraashan waayo iyo hadallo kale oo fool xun.” Anna ma yaraysanne intii cay uu I yidhi iyo hadal xumo in le’eg ayaan ku idhi.

Isla ayaamahaa ayaa  walaalkay Cumar Cirro farriin ii soo faray dad, isaga oo leh, “ haddaad timaado  Burco waxa hub kuu sita laba nin oo uu ku magcaabay Hadal Yare iyo ina Cabdi Abokor.” Intaa kadib ayaa haddana waxa la I soo gaadhsiiyey waaran ay soo qoreen kooxdii GUDDI CIMRAAN,  kaasi oo ay ku qoran tahay haddaad ilmo Cirro tihiin waxaa dacwad idiin haysta nin la yiraahdo Mohamed Ducaale Fiindhe  waxana ay ballan noo qabteen  20 July 2014. Digniinna waxa ay iigu sheegeen oo qoraalka ku xusnayd, haddaad wakhtigaa iman waydaan inta ilma Cirro joogta ayaa go’aan ka gaadhaysa. Halkaa marka ay sheeko marayso  waxa I galay dareen ah,  in waxani yahay dhagar-dhac iyo dil ah oo qorshaysan oo illaa casaabado badani ku jiraan.

Cabsidaa I gashay awgeed waxan la xidhiidhay dowladda Ingriiska Wasaaraddooda Arrimaha Debedda, oo aan u sheegay in aan dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeedo, anan doonayo in aan Burco bisha 7aad ee sannadka 2014, una teyayo kiis noocaas ah, laakiin la ii  soo hanjebay oo cabsi la I geliyey. Anigu marka aan tallaabadaa qaadayo, waxan isku arkaa nin Ingiriis ah oo cashuur bixiya ah, xaqna u leh in ammaankiisa meesha uu tagaba ay dawladda Ingiriisku mas’uul ka tahay. Si fiicanna oo sharciga waafaqsanna waxa aan u sheegtay badheedhaygii noocaasi ahaa. Kaddib nin ka mida Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Ingriiska ayaa igu yidhi, “ Waxan kugula taliyaa in aanad tegin dalkaasi,  waayo muwaadiniintayada waanu uga dignay socdaalka dhulkaasi oo aan ammaankiisa khatar u aragno. Hase yeeshee, haddaad maal ku leedahay kiisna laguugu yeedhay,  marka aad ka degto Somaliland Airport-kooda ugu horreeya rabuudh ka samee una sheeg in ay amaankaaga sugaan anaguna waxaanu la samydoonaa  xidhiidh haddii aad ku farxi waydo sida ay kuula macaamilaanna la xidhiidh safaaradda kuugu dhow ee aan leenahay.”  intaas markii ay na kala gaadhay, waxaa la soo gaadhey safarkaygii soomaaliland oo aan ku horreeyey Hargaysa.

Maxaan kala kulmay Hargeysa?

Hargaysa waxan ka oo degay maalin Arbaca ah, 16 july,  2014 8.30 subaxnimo waxanan la socday Jubba Airways, markaan dhammaystay arrimihii service -ka airport-ka, waxaan u dhaqaaqey xagga taliyaha saldhiga airporka, kaddibna, waxa la ii geeyey sarkaalka haysta saldhiga oo magaciisa la iigu sheegay Saalah.

Safarkayaga waxa igu wehelinayey walaashay Deeqa Cirro.  Walaalahay Siciid Cirro iyo Mahdi Cirrro oo nasiib wanaag igu sugayey maddaarkana waan kulannay. Markii aan u waramey sarkaalkii airport-ka ayuu aad  ugu qancay. Markiibana waxa uu la xidhiidhay taliyaha Booliska Somaliland, taliyihiina waxa uu la xidhiidhay Wasiirka Arrimaha Gudaha. Si dhakhso leh ayaa  kiiskaygii looga gaadhey go’aan, waxana la igu war geliyey inaan maanta baajiyo safarkii aan Burco ku tegi lahaa.

Waxana ay igula taliyeen in aan hudheel galo iminka oo aan u soo sheego Huteelka iyo telfoonkiisa, si bay yidhaahdeen aan kuula soo xidhiidhayno. isla markiiba waxaan galey Hotel Star oo u dhow airport-ka, in yar kadibna waxan la  Hadley taliyihii Saliga Airport-ka una sheegay inaan hotelkaasi galay. Runtii aad bay ugu mahadsan  yihiin dowlada Somaliland sida ay aminigayga u sugeen intii aan Hargeysa joogey iyo intaan Burco tegayba. Waxanan ku ciidammada amniga Somaliland ku ammaanayaa  sida wada shaqayta leh ee Booliska Somaliland iyo Wasaarada Arrimaha Guduhu u wada shaqaynayeen iyo weliba sirdoonkooduba.

Safarkaygii Burco aan ku tegey ayaa immiga bilowday, waxanan ka baxay magaalada Hargeysa 08,30 habeennimo, Burcona waxan galay 01.00 habeenimo ee saqda dhexe.Markiiba aan Burco galayba waxa aan ku leexday qaybta Booliska Gobolka waxanan wargeliyey in aan Burco imid, waayo warkayga way hayeen,  kuna degayo hotel  Deero oo ku yaal magaalada Burco. Madaxdii saldhigguna waxa ay xidhiih iiga sameeyeen saldhiga Burco. Weli hawshu si fiican ayey iigu socotaa, oo waxa ila shaqaynaya hay’adka aminiga iyo sir doon aad iila socda. Oo og waxa dhibaatayn la iigu talo galay ee ay kooxihii ii maleegayeen. In aan  ammaankaygu uu sugan yahayna si fiican ayaan u arkayey.

Waxaa la gaadhey maalintii 20 July ee la igula ballamay guriga GUDDI CIMRAAN ee  Burco,  waxa ii sii diyaar ahaa waaran aan maxkamada ka soo jarey  oon u soo gooyey walaalkey, kaasi oo ku saabsanaa guri uu iga haystay, isla markaana uu isagu ku jiray iyo in mulkiyadii oo uu haysto la iiga qaado. Dabadeed waxa I soo kexeeyey ciidanka Poliska somliland ee saldhigga Burco, markaan gurigii soo galay ayaan ku idhi, “ aniga ayaa isugu hor baadhaya si ammaanka loo sugo.” Kadibna nin ka mid ah raggii ii soo hajebayey ayaa yidhi, “ waxaan ahay sarkaal oo la ima baadhoyo, dabadeed waxaa la weydiiyay aqoonsigiisii iyo meeshuu ka tirsan yahay. Haddana waxa uu qirtey in shaqadii laga fadhiisiyay. Calaa kulli xaal dadkii la wada baadh oo amnigii hore si fiican ayuu u dhacay.

Hadalkii baa bilaabmay odayaashii gurigu waxa ay yidhaahdeen labadiinna qoloba ma dhan tihiin. Qoladii iga soo horjeedday ee aan is haynay ayaa ku jawaabay  haa waan dhannahay. Nasiib darro waxa ay ka dhacay markaan anigu su’aalo cidda I soo dacweeysey ayaa la iigu jawaabaa, “ arinkiinu waa adag yahay,  gurigani culimuu leeyahey ee berri weydii cidda ku soo dacwaysey” !

Dabadeed intaan xanaaqay ayaan cod dheer ku akhriyay warqadii nalagu soo dacweeyey oo aan ku idhi waxaa waraaqda iigu qoran inuu na soo dacweeyey Mohamed Ducaale Fiindhe, mana arkee Shine Mire oo la iga ilaalinayo ayaa meesha fadhiyee maxaa khaldan? waxaa la iigu jawaabay, “ Shine waa wakiil.”

Halkaas marka ay marayso ayaan ku idhi, “ Waddankan dawlad ayaa ka jirta ee ninkii wax igu haystow maxkamadda iga soo dacwee.  Ninkii ciidanka na ilaalinayey watay ayaa yidhi, “maxkhamadda ayaan isku kiin geynayaa dhammaantiin, hase yeeshee qoladii kale ayaa nin u hadloo yidhi, “ Annaga ayaa iskayo u tegayna ee hana af-duubina.”

Halkaas ayay habeenkaas ku fashilantey mu’amaraadkii gurigaa laga waday. Ilaahay ayaanan ugu mahadnaqayaa. I waafajiyey in aan sidan uga dabbaasho.

Haddana waxa la noo keenay warqad maxkamadda la nooga yeedhayo. Waxaana soo qoray looyar ay samaysteen kooxdii, waxana warqadda ku qoran aniga oo Shine Mire  iyo laba inan oo kale kana wakiil ah Mohamed Ducaale Fiindhe, ayaa bakhaar ka iibsaday ninka la yidhaa Mohamed Hassan Cirro sannadkii 1986.  Bakhaarkaasi weligiis waxaa u hayn jirey Mohamed Hassan Cirro  dabadeed markii Mohamed Hassan ciro dhintey ayay caruurta ilma Cirro damaaciyeen oo ku dhegeen markaa maxkamadu hanoo waydiiso waxa ku kelifay inay sidaas wax u dhacaan.

Weliba walaalkey wuxuu siiyay macluumaadkii bakhaarka iyo jihooyinkiisii. Dabadeed waxa ay nagu keliftey inaanu looyar qabsano, looyarkayagiina waraaq buu qorey uu leeyahay bakhaarkan waxaa lahaa aabohood Mohamed Hassan, kadib Bishii Feb ee sannadkii 1999 ayuu inankiisa ku wareejiyay,  waxaana laga hor caddeeyey maxkamada Burco oo aabahood ka caddeeyey. Bakhaarku mulkiyad iyo sharciyad buuxda ayuu leeyahay, markaa wixii igu haystaa waa inay soo dhigtaan damiinal musalim kharashkooda ka baxana meel ay u raacdaan helaan.

Wax jawaab ah waa laga waayeyintii muddo ah,  sidaanu u sugayney jawaabtii ayaa waxaanu maqallay bakhaarkii baa la xanibay lamina kirayn karo, lama iibin karo, lamana hibayn karo.  ninkii bakhaarka ku jiray muddada 16k sano ah ayaa waxa uu u tegay nin Polis ah iyo walaalkey Cumar Cirro iyo Shine  Mire  kuna yiri bakhaarka waa la xanibay  ee ka guro alaabadaada. Aad baan ula yaabney sheekadaa bakhaar aan dacwadiisaba la dhegaysan oo la iska  xannibay uun. Nimankan bakhaarka xannibayaa  tolow ma maxkamadda ayay ka shaqeeyaan?  awooddan ay is ticmaalayaan xaggey ka wataan? su’aalo badan baan is weydiiyey. Kadibna waxaan ku noqday Looyarkaygii isagaana I dejiyay oo yidhi samir wax walliba way hagaagayaane waxaa lagaala dagaalamayaa waa xasilloonida kaa muuqatee u adkayso.

Qof kale ayaan weydiiyay, siday wax u jiraan, weligay ismaan lahayn qof waxaanu lahayd  buu odhanayaa anaa  leh iyo looyar baa ka shaqaynaya kiis ku soo noqonaya , iyo qof maxkamada ka shaqeeya ayaa xannibaya bakhaar aan kiis kiisa  la eegin, qofkii wuxuu iigu jawaabey wax kastaa waa suura geli karaan laakiin xaqa ayuun bay iman.

Kiisku manta halkaas ayuu marayaa wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonaa weliba iyada oo ka faahfaahsan ayaan ka soo deyn doonaa TV-yada soomaaliga ku hadla iyo Channel 4 Ka Ingiriiska barnaamijkiisa panaroma

Ali Mohamed Hassan ( Ali Cirro )

fivestartravels@hotmail.co.uk

Sheekadan waxa qoraalka saxay

Ahmedweli Goth

Awdalpress Editor

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images