Awdalpress – Baki – Doorashooyinkii hore ee u suurta galay Somaliland, waxa lagu galay hab aan caddaalad ahayn, oo musuq maasuq badani hadheeyey, laakiin haddana waxa la isla gartay in lagu socdo, maaddaama aan xal kale oo looga wareego la hayn. Balse waxa immiga la wadaa in la saxo si meesha looga saaro in codbixiyayaashu ay goobta cod bixinta ku soo noq noqdaan, waxana dhaqaale aad u badan ay dawladda Ahmed Siilaanyo gelisay mashruuc lagu diiwaan gelinayo shacabka, kaasi oo tijaabadii hore laga arkay guul iyo in la ammaani karo.
Immigana waxa la wadaa in sharciga diiwaan gelinta muwaaddinka iyo qaadashada Kaadhka aqoonsiga la bilaabo muddo dhaw. Taasi oo noqon doonta ta degaan walba uu golayaasha iyo siyaasadda dawladda kaga qayb geli karto. Madaxda degmooyinka iyo golayaasha degaankana waxa xil ka saaran yahay in ay dadkooda si fiican u diiwaan geliyaan, si aanay hadhaw u caban. Inta hawsha diiwaan gelinta ka horreysana waxa looga baahan yahay in ay maamulayaasha degaannadu wacyi gelin iyo la socodsiin sameeyaan.
Haddaba degmada Baki oo ka mid ahayd meelaha lagu tijaabiyey farsamadan cusub ee diiwaan gelinta, ayaa dadka degaankaasi laga soo xiganayaa in ay sannadka u dhaarsan yihiin sidii ay rag iyo dumarba wixii qaan gaadh ahi isku diiwaan gelin lahaayeen. Degaankaasi ayaa ah mid shacabkiisu aad u badan yahay, isla markaana wacyigooda siyaasiga ahi uu aad u horumaray.
Sidoo kale madaxda degmada Dilla ayaa iyaguna si aad ah ugu hawlan sidii ay shacabka degaanka ugu dhiirri gelin lahaayeen is diiwaan gelinta iyo kaadh qaadashada. Dhawaanna waxa ay madaxda iyo odayada degaannadaasi bilaabi doonaan wacyi gelin iyo shirar ay bulshooyinka degaannada u qabanayaan oo wax ka tari doona sidii ay dadku isku diiwaan gelin lahaayeen,
Maxaa ku dhacaya degaankii is diiwaan gelin waaya?
Tartanka hore ee doorashada ayaa loogu taratamayaa xubnaha golayaasha Baarlamaanka iyo ka guurtida, gobolkii amma degaankii keeni waaya tiro ku filan inta lagu gaadhayo xubin ka noqoshada Baarlamanka ama Guurtida, oo dadkiisu ka wahsadaan in ay is diiwaan geliyaan amma diidaan qaadashada Kaadhka, waxa uu degaankaasi waayayaa xubno u fadhiista golayaasha sharci dejinta sida Baarlamanka. Isla markaana waxa uu talada u daba fadhiisanayaa degaannada kale ee dadkoodu sida fiican isku diiwaan geliyeen. Maamulka dawladeed ee la soo dhisi doonaana waxa uu ku salaysnaanayaa tirada xubnaha baarlamanka ee degaankaasi ugu jira Baarlamanka. Sidaasi daraaddeed, si aanad hadhaw ugu calaacalin immiga qaado kaadhka codbixinta oo is diiwaan geli.
Maxaa dhacaya haddii tirada dadkayga is diiwaan gelisay ay aad u bataan?
Haddii degaankaagu nasiib u helo in uu diiwaan geliyo tiro badan oo shacab ah oo ay codkooduna aanu in badan u qaybsamin, waxa ay ku guulaysanayaan in xildhibaanno tiro badani ay Baarlamanka u fadhiistaan, halkaana ay talada dalka ka hoggaamiyaan. Haddiise tiradaa badani ay noqoto mid wakhtiga doorashada ay dad badani isa soo sharraxaan waxa imanaysa in la isla hadho, oo aanay cidiba soo bixin. Laakiin in dad badani is diiwaan geliyaan kollayba waa faa’iido.
Ma laga yaabaa in ay doorashadu dhici weydo?
Taasi uma taallo dadka is diiwaan gelinaya iyo cid kale toona, waa mid go’aankeeda ay wadaagaan xukuumadda, golayaasha sharci dejinta iyo xisbiyada mucaaridku. Waxanse og nahay in ay duruuf adag oo dalka soo wajahdaa uuni doorashada baajin karto. Sidaasi daraaddeed, maamulayaasha degmooyinka waxa iyaga ku waajib ah in ay diiwaan gelinta uun culayska saaraan, balse aanay raac raacin sheekada suuqa iyo siyaasiyiinta.
Xisbiga Waddani ee mucaaridka ahi, muxuu ka sheegay diiwaan gelinta iyo kaadh qaadashada Somaliland? ( halkan ka daawo video )





