Awdalpress – Hargeysa – Madaxweyne Siilanyo, Marwadiisa Amina Weris Jirde iyo xubno kale oo ka tirsan xukumadiisa ayaa goor dhaweyd ka anbabaxay magaalada Hargeysa kuna sii jeeda magaalada Berbera oo maalmahanba diyaar garaw logu jiray soo dhaweyntooda.
Sida ilo u dhuun daloola safarkan Madaxweyne Siilanyo u sheegeen Qarannews madaxweyne Siilanyo iyo marwadiisa ayaa la filayaa inay caawo halkaas baryaan.
Taa ka sakow waxaa xogguhu sheegayaan in Marwo Amina Weris Berri Subax booqan doonto laba dhisme oo waaweyn oo halkaas uga socda,oo la sheegay in lacagta lagu dhisaayona ay bixiso dekeda Berbera,halka dayrar Marwada loo dhisay dhawaana la sheegay in maareeyaha haamaha shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Saciid Cali u sii bixiyey inkastoo ilo kalena u sheegeen Qarannews in Sheekhu isagu qandaraas uun ku qaatay dhismaha Dayrarka.
Waxa kale oo la filayaa inuu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo booqdo wershadda sibidhka Berbera, oo la iibiyey wixii Iskaraab halkaas yaalley oo laga iibiyey Nin Itoobiyaan ah, oo ka baayacmuushtareeya Iskaraabka inkastoo Ilo kalena u sheegeen Qarannews in iskaraabka la siiyey laba Nin oo Reer Berbera ah oo ka tirsan Qoyska marwada madaxweyne Siilanyo oo Midna Abti u yahay Marwada midna ay Habar-yar u tahay oo walaasheed dhashay,labadaas nin laftooduna ay iskaraabka ka sii iibiyeen Ninka Itoobiyanka ah oo la filaayo inuu degdeg u keeno Qalabkii uu ku rari lahaa,waxayna xogghuhu intaas ku dareen in Go’goynta Biraha iskaraabka la bilaabo doono maalmaha soo socda.
Awdalpress





