Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

M/weynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethoipia Cabdi Maxamud Cumar oo ka Adkaaday Kooxo Mucaaradnimo kala horyimid

$
0
0

Cabdi MaxaudAwdalpress(Jigjiga) 27 Aug, 14– M/weynaha Dawlad deegaanka dalka Ethoipia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhawaan Eryay hogaankii nabadgelyada kililka ahaana M/xigeenada DDSI C/laahi Ethoipia, M/weynaha Dawlad deegaanka Ethoipia Cabdi Maxamuud ayaa Eriga masuulkan u maray sifo sharci ah oo waafaqsan Xeerarka ismaamulka deegaanka Soomaalida Ethoipia, masuulka la eryay ayaa la sheegayaa inuu madax ka ahaa koox doonaysay inay Inqilaab ka ridaan Maamulka deegaanka Soomaalida Ethoipia, balse markii maamulka sare ee deegaanka Soomaalida Ethoipia ka war helay Shirqoolada ay maleegayaan xubnaha ka mid ah DDSI ayuu ka qaaday talaabo adag , ka dib markii xil ka qaadistaasi ku dhacday hogaamiyihii ayaa kooxdaasi u dacwad tegeen sida la sheegay dawlada fedraalka Ethoipia iyaga oo eedaynaya M/weynaha kililka 5aad.

Madaxda sare ee Fedraalka Ethoipia ayaa ka dalbatay M/weynaha DDSI inuu soo galo Adisababa, si la iskula eego dacwado kooxdani mudaba ka gudbinayeen isaga, si kastaba ha ahaatee madaxda dawlada Fedraalka ee Ethoipia waxay ku qanceen cadaymihii M/weynaha DDSI Cabdi MAxamuud Cumar, wuxuuna dib ugu soo laabtay caasimada Jigjiga ee DDSI isaga iyo xubnihii kale ee dacweeyay, waxaana xilkii hogaanka nabadgelyada iyo M/weyne K/xigeenka loo tiriyay Shukri Bedel oo M/weyne Cabdi Iley magacaabay, waxaana laga codsaday Cabdi Maxamuud Cumar in aanay arintu gaadhin heer maxkamadeed, hawshaasina halkaas ku dhamaato.

Sida ay shabakada wararka ee Awdalpress u xaqiijiyeen ilo wareedyo xogogaal u ah siyaasada iyo hogaanka DDSI ayaa waxay sheegeen inaanay jirin cabsi nabadgelyo iyo khilaaf soo kala dhexgalay nidaamkii ismaamulka Dawlad deegaanka Soomaalida Ethoipia iyo dawlada fedraalka ee Ethoipia, waxaanay wararku intaas ku darayaan in nabadgelyada iyo hormarku u socdaan sidii caadiga ahayd, isla markaana aanay jirin wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah oo ku lid ah M/weynaha kililka 5aad ee Ethoipia oo ka socda caasimada Jigjiga..oo ay wadaan Saraakiil Fedraalka Ethoipia ka tirsan sida ay qorayaan Wargaysyada mucaaradka ku ah Nabadgelyada iyo xasiloonida Ethopia.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa mudo todobaad ah ay qorayeen Wargaysyada Hargaysa qaarkood iyo Shabakada Internetka ee xidhiidhka la leh kooxda Inqilaabka waday warar tilmaamaya in khalkhal siyaasadeed ka bilaabmay dawlad deegaanka Soomaalida Ethoipia, wararkaasi oo ay buunbuuninayeen Wargaysyo xidhiidh la leh kooxaha ku kacsan hanaanka nabadgelyada iyo horumarka ah ee mudooyinkan dambe ka tisqaaday Dawlad deegaanka Soomaalida Ethoipia ee uu majaraha u hayo M/weynaha Cabdi Max’ud Cumar.

Marka dib loo jaleeco siyaasada guunka ah ee dawlada Ethoipia amase Talaabooyinka sooyaalka siyaasadeed ee Ethiopia, waxa muuqata in Ethoipia ay tahay dawlad aan degdegin, Isla markaana aan si fudud u qaadin talaabo aanay ka fiirsan, mana aha hogaanka Siyaasadeed ee dawlada Ethoipia mid wararka Soomaalidu qorto ku go’aan qaata, waxa xusid mudan in wakhti wakhtiyada ka mid ah Sarkaal sirdoonka Ethoipia ka tirsani ku yidhi Siyaasiyiinta Soomaalida ” Hadaan nahay dad wararkiina aad iska sheegaysaan isku kiin maqlaya waad isla dhamaan lahaydeen”

Sidoo kale M/weynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar mudada uu xilka hogaanka Dawlad deegaanka Soomaalida Ethoipia hayay wuxuu sameeyay nidaam maamul oo deegaanka Soomaalida Ethoipia gaadhsiiyay inay ka mid noqdaan Kililada horumaray ee Fedraalka Ethiopia, marka la eego dhanka Nabadgelyada guud ahaan deegaanka, dhismaha kaabayaasha Adeegyada Bulshada, Isgaadhsiinta iyo Aaminsanaanta Qoomiyada Soomaalida Ethoipia Aamintay wax wada qabsiga qoomiyadaha kale ee Ethoipia ee dawladnimadu ka dhaxayso, waxaana tusaale uGu filan Shirkii qowmiyaadka Ethoipia ee Sanadkii dhawayd ka dhacay caasimada deegaanka Soomaaliada Ethoipia..waxqabadkaasi maaha mid M/weyne ka horeeyay Isaga uu seeskiisa sii jeexay ama dhigay, balse waa mid isaga ku suntan, ahna siyaasad lagu majiiran karo Raysal wasaarihii Geeriyooday Malas Zinawe iyo Raysal wasaaraha Hada ee Fedraalka Ethoipia  Mr, Hayle Maram Deasale oo ah qunyar socod siyaasadeed.

Dadka dhaliila iyo kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada Ethoipia ayaa ku eedeeya M/weyne Cabdi Maxamuud nin qabyaalad ku xukuma deegaanka, balse waxa jira Afkaar faro badan oo arintaas ka biyo diidsan kuna tilmaama inuu yahay M/weynaha bedelay qabyaalada ee keenay MAXAAD TAQAAN, kana Tegay AYAAD TAQAAN..AUU

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images