Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Marxuum Xaaji Dayib Sh. Muhumed Kaahin oo maanta lagu aasay xabaalaha degaanka Duudweyne ee degmada Dilla. (Sawiradii salaadda jinaasada ayaa la socda )

$
0
0

tacsiINNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN ALAHA U naxariisto MARXUUM Xaaji Dayib Sh Muxumed Kaahin oo maanta ( 28/08/2014 ) lagu Aasay Xabaalaha D/weyne ee Bariga magaalada Dilla, wuxuuna ka mid ahaa duqaydii iyo indhergaradkii bulshada degaanka Awdal.

 

Allaha u naxariistee waxa uu marxuumku dhashay qiyaas ahaan sannadihii 1915, waxana uu ku dhashay degaankii la odhan jiray Adal. Marxuumka waxa dhalay sheekh Caalim ahaa oo la odhan jiray Sh. Muxumed Kaahin. Intii uu yaraana waxa uu ku barbaaray isla degaankaasi. Nasiibna waxa uu u helay in uu diinta Islaamka barto isaga oo yar. Kaddibna, dabayaaqadii soddonaadkii waxa uu ku biiray ciidammadii Talyaaniga, kadibna waxa uu uga wareegay ciidammadii Ingiriiska. Intii uu ciidammadii gumaystaha la socdayna waxa uu ka bartay farsamada baabuurta iyo luqadaha.

 

 

Aaskii Dayib2Marxuum Xaaji Dayib Sh. Muhumed waxa uu muddo dheer u soo shaqeeyey dawladihii Somaliyeed ee kala dambeeyey, isaga oo ugu shaqayn jiray xirfadda Makaaniknimo iyo  maamul. Kaddibna badhtamihii toddobaatanaadkii ayuu u shaqo tegey dalka boqortooyada Saudi Arabia. Halkaasi oo uu ka shaqaysan jiray muddo toban sano ka badan.

Aaskii Dayib1

 

 

 

 

Marxuumku waxa intii uu dawladda Somaliyeed u shaqaynayey  iyo intii uu Sucuudiga joogayba waxa uu ahaa nin arrimeed, sama talis ah, oo cod kar ah. Waxa intaasi u dheerayd aqoonta uu axkaamta Islaamka iyo xeerka Somaliga, sidaasi daraaddeed ayaa uu intii aanu Boroqtooyada Sacuudiga u dhoofin loogu doortay in uu xaakim ka noqdo degma Hodan ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

Burburkii dalka Somalia kadib oo wax yar ka dambeysey ka soo noqoshadiisii Sacuudigana waxa uu guddoomiye u noqday odayadii gobolka Awdal. Qayb weyna waxa uu ka qaatay nabadayntii Somaliland.

Aaskii Dayib

Ilaah Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo intii uu ka baxay iyo dhamaan umada garanaysa.. Aaaammmmiiin

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images