Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Odayaal, siyaasiyiin iyo Madaxweynaha Khaatumo Dr. Ali Gallayr oo siyaal kala geddisan uga hadlay dagaalka Saaxya-dheer.( Dhegeyso )

$
0
0

Breakingnews.Awdalpress – London – Dr. Ali Khaliif muxuu yidhi, ” Waar dad Somalia ayaan nahay, dad muslin ah ayaan nahay, xuquuq baan leenahay, cidna duullaan kuma nihin, nabad baan u taagannahay, dantayada ayaan rabnaa in aan ka tashanno, dib u heshiisiin dhexdayada ah ayaan rabnaa, in aan daris wanaag iyo nabad kula noolaanno maamullada Somaliland iyo Puntland ayaan rabnaa, LAA IKRAAHA FIDDIIN…cidna ka yeeli mayno ha tashannina, cidna nagu khasbi mayso in ay noo taliso. Waan diidnay”.

Garaad Jaamac Garaad Ali ayaa sheegay hadafkii loo dhisay Khaatumo in ay ahayd midnimo Somaliyeed. Ibrahim Yuusuf Faarax oo ka mid ah waxgarad caleema saarka uga yimid Muqdisha, ayaa isna sheegay in Somaliland dhismaheedii, hana qaadkii maamulkooda iyo nabad kuwada noolaashaheedii lagu farxay, oo markii koonfuri oloshayna carruurtii iyo xaasaskii loola orday Hargeysa, illaa immigana ay joogaan isla markaana ay ku ammaanan yihiin, laakiin kuwii iyaga dad u xigay oo gurigooda xaaqanayaana, ma xaaqan kartaan waxan u aragnaa selfish-nimo ayaan u aragnaa.

Si kastaba ha ahaatee waxa aan shaki ku jirin in dagaalka Saaxya dheer lagu qaaday aanu ahayn mid shacabka Somaliyeed iyo kuwa caalamkuba ku farxay.

Halkan ka dhegeyso warkan oo maqal ah.

 

 

HALKAAN  KA DHAGAYSO CODKA   MADAXDA  KHAATUMO

Awdalpress

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images