Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Farriintii Prof. Samatar u siday Borama iyo tii uu u siday Hargeysa maxay ku kala geddisnaayeen.

$
0
0

Reer Galbeed haddaan nahay xil baa inna saaran, ee waa in aan horumarka, dhismaha iyo nabadda Somaliland tafaha u xaydannaa…taasi waxa ay ahayd farriintii uu reer Awdal u siday.

Farriintii Hargeysa uu u sidayna waxa ay isugu soo ururtay caddaalad, caddaalad iyo maamul qabiil ka fog waa in ay ummaddni heshaa.

Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, isagoo sheegay inay ugu dambeysay muddo 40-sano ah balse uu aad ugu faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabto.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee degmadaas, kuwaasoo gacmaha u haatinayay Prof. Samatar oo gaari dusha ka furan saarnaa, halkaasoo uu dadka ka salaamayay.

Imaanshihiisa kaddib ayuu warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in sidii loo soo dhaweeyay ay qiiro gelisay, wuxuuna sheegay inuu maalmo ku sugnaan doono Boorame oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

Prof. Samatar ayaa dhawaan iska casilay xildhibaannadii baarlamaanka Soomaaliya isagoo sheegay inuu doonayo inuu howlo isaga u gaar ah qabsado, balse wuxuu diiday inuu tagayo Somaliland.

Dhawaan ayuu Prof. Samatar oo wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Mareykanka uu ka dagay magaalada Hargeysa, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay wuxuuna sheegay in Somaliland ay tahay deegaankii uu kasoo jeeday.

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images