Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Daawo Video:/Akhriso Warka: Xarun Waxbarasho Oo Jaaliyadda Soomaalidu Ku Lahayd Waqooyiga Magaalada London Oo Maanta La Gubay Dhulkana Lala Simay, Caddaymo Muujinaya Kooxda Cunsuriyiinta Ah ee EDL Oo Laga Hellay, Iyo Booliiska London Oo Wacad Ku Maray Inay Cadaaladda Horkeenayaan Cid Kasta Oo Ka Danbaysay

$
0
0

Awdalpress – London –05/0.6/2013– Xarun jaaliyadda soomaalida ee ku dhaqan waqooyiga magaalada London ay ku lahayd ayaa maanta dhulka lala simay ka dib markii dab la qabadsiiyey waxaana goobta soo gaadhay kooxaha dab damiska oo aan ku guulaysan inay dabkaasi bakhtiyaan kaasi oo xad dhaaf uga holcaayey goobtaasi.
Xaruntani oo ahayd xarun ay ardaydu ku barato culuumta diinta islaamka, kuna xafido quraanka kariimka ah ayaa dabku ka kacay goor danbe oo gelinkii danbe ah ee maanta ah, waxaana Booliiska magaalada London ay xaqiijiyeen in qof dumar ahi uu dhaawac yar oo fudud ka soo gaadhay balse aanay jirin cid kale oo wax ku noqotay marka laga reebo dhammaanba dhismahii iyo agabkii dhex yaallay oo dabkaasi ku shuf beelay.
Booliiska magaalada London ee loo yaqaano Metropolitan Police ayaa sheegay inay ka helleen goob u dhaw xaruntani arrimo shaki leh oo tilmaamaya callaamado kooxda cunsuriyiinta ah ee la dagaalanta dadka muslimka ah ee EDL (English Defence League) waxaana afhayeen u hadlay booliiska magaalada London uu wacad ku maray in ay beegsan doonaan cid alla iyo ciddii ka danbaysay falkani cadaaladdana hor keeni doonaan “waxaanu bilaabayna baadhitaan laxaadleh, waxaan goor dhawayd wada hadal sal balaadhan la yeelanay madaxda jaaliyadda soomaalida iyo xaruntani la gubay waxaananu u muujinay inaanu gacan iyo garaba u fidin doono garabna taagnaan doono ilaa inta ay si dhamaystiran uga soo kabanayaan, waxaananu u ballan qaadnay inaanu cadaaladda hor keeni doono cid alla iyo ciddii falkaasi ka danbaysay” ayuu yidhi afhayeenka u hadlay booliisku.
Dhinaca kale Xildhibaanadda laga soo doorto degmada Muss Well ee waqooyiga magaalada London MP Theresa Villiers ayaa iyadoo cadhaysan waxay warbaahinta u sheegtay “weerarkani maaha mid lagu soo qaaday dadka muslimiinta ah ee degmadani waa weerar qaawan oo lagu soo qaaday dhammaantayo waxaana naga go’an in aanu dhammaantayo iska kaashano sidii aanu uga hor tagi lahayn” ayey tidhi.
Xaruntani la gubay oo ahayd goob masaajid ah oo lagu cibaadaysto oo la odhan jiray Al-Raxma Islamic Center ayaa waxaa wax ku baran jiray arday tiradooda lagu qiyaasay boqolaal, halka boqolaal kale oo ku nool degmada Muswell ay iyaguna ku cibaadaysan jireen.
Muslimiinta Madaw Ee Britain Oo Bartilmaameed U Noqotay Ka Dib Dilkii Lagu Fuliyey Askarigii Britishka Ahaa Degmada Woolwich
Muslimiinta madaw ee dalka ingiriiska ayaa bartilmaameed u noqday necayb iyo cunsurinimo joogto ah ka dib markii dhawaan laba nin oo madaw oo asalkoodu Nigerian ahaayeen ay weerar ku dileen askari ka tirsana ciidanka militeryga Britain degmada Woolwich ee koonfurta berri ee magaalada London, xaafadda Woolwich oo ah xaafad ay soomaalida London ugu tiro badanyahiin, waxaana la sheegay in weeraro joogto ah oo ay ka mid yahiin in haweenka xijaabka laga tuuro, iyo in la weeraro masaajido.
Dadyawga Britishka Ah Ee Cad Oo Maanta Yimid Xarunta La Gubay Muujiyeyna Siday Uga Xunyahiin
Gallabta ayaa lagu arkaayey goob u dhaw xaruntani la gub dad dhalasho ahaan cadaan ah (English) oo aad uga xun masaajidka la gubay oo qaarkood ay masaajidka keeneen callaamado ay ku muujinayaan inay weerarkaasi ka xunyahiin.

Source: halbeegnews
Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images