Ciidammada dowladda Pakistan ayey u suurto gashay in ay dib ula wareegaan xarunta TV-ga qaranka Dalkaasi, oo ay qabsadeen Kooxo dibad baxayaal ah oo ka soo horjeeda Xukuumada Dalkaasi.
Dad dibada baxayaal Cadhaysan oo taageersan Hogaamiyaasha Mucaaradka Dalkaasi ayaa xoog ku galay xarunta TV-ga qaranka Pakistaan, waxa ayna dibad baxayaasha hawada ka saareen Tv-ga Qaranka.
Ciidamada amaanka Pakistan ayaa dib gacanta ugu dhigay xarunta TV -ga Dowlada Pakistaan, waxaana hadda xaruntaasi gacanta ku haya oo ilaalo xooggan ka haya Ciidammada ammaanka Dalkaasi.
Dibad baxayaal Taageersan hoggaamiyaha mucaraadka Imran Khan iyo wadaad dalka aad looga yaqaan oo la yidhaa Tahir Ul-qadri, ayaa Caasimada Dalkaasi waxa ay ka wadaan dibad baxyo ay uga soo horjeedaan Dowlada Dalkaasi , waxana ay ku baaqayaan inuu is casilo Ra’iisalwasaaraha dalkaas Nawaz Sharif.
Awdalpress