Dawladda fedraalka ah ee dalka Ethoipia oo ah dalka ugu dadka badan bariga iyo Geeska Afrika, isla markaana ah waddanka 3aad ee ugu tiro badan Afrika ayaa sannadka soo socda 2015 waxaa ka dhici doonto doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee qowmiyaadka dalkaasi ku dooran doonaan golaha shacabka fedraalka ee dalkaasi, kaasi oo isagu doorta Raysal/Wasaaraha hoggaamin doona waddankaasi Ethoipia, tan iyo wakhtigii la tuuraykeligii taliyihii Mangiste ee xukunkii Dhargiga 1991, waxaa dalkaasi soo xukumayay xisbiga EPRDF oo ahaa kii talada xooga kaga tuuray wakhtigaas dawladii Dhergiga loo yiqiinay.
Xisbiga EPRDF oo ay ku midaysan yihiin Ururradii Tigraha, Oromada, Axmaarada iyo Shucuubta koonfureed ayaa ah midka ugu weyn ee dalkaasi Ethoipia ka soo talinayay illaa iyo wakhtigii meesha laga saaray dawladdii Dergiga, wuxuuna ku socday fikirkii iyo hogaamintii R/weysaarihii Geeriyooday ee Malas Zinawi, hogaamiyahaasi oo dalka xukumayay muddo 21 sano ah. Waxana uu waddanka Ethoipia kala dabbaashay dhibaatooyin iyo marxalado badan. Kadib markii uu geeriyooaday sannadkii 2012kii, waxa xisbigu isku raacay in uu ra’iisal wasaaranimada dawladda Itoobiya saaro Mudane Hayle Deasale oo ahaa K/xigeenkii R/wasaare Zinawe, haddaba waxaa la isweydiinayaa maadaama doorashadii Ethoipia ay dhici doonto bilawga sanadka 2015 siday wax noqon doonaan, waxaa dhawaan dhici doona shirweyne ay yeelan doonaan Xisbiga talada dalkaasi haya ee EPRDF oo hada uu hogaamiyo R/wasaare Hayle Deasale oo ka soo jeeda Qowmiyada Shucuubta Koonfurta Ethoipia, balse waxaa hada bilaabmay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo siyaasiyiin xisbgaasi ka tirsani ku doonayaan inay majaraha xisbiga qabtaan, waxaana durba muuqda in siyaasiyiin Qowmiyada Axmaaraha ka soo jeedaa ay doonayaan inay hogaanka xisbiga la wareegaan, waxa kale oo jira in Siyaasiyiinta Tegra ee uu ka soo jeeday Zenawi ay doonayaan in Kursigaasi iyaga ku soo noqdo, Inkasta oo Qowmiyada Tigre ay tahay mida haysata amase maamusha Awooda ciidan ee dalka, hadana Qowmiyada Axmaaraha oo iyadu u soo talinaysay Ethoipia in ka badan 200 sano ayaa rabta in xukunka ay ku soo noqdaan, Inkasta oo siyaasadii furfurnayd ee Zinawe ay qowmiyadaasi Axmaaraha dhulka gelisay fikirkoodii ahaa Axmaaraynta qowmiyadaha Ethoipia, Isla markaana qowmiyad walba noqotay dawlad hoosaad is maamul ka tirsan Fedraalka Ethoipia ka mid ah, taas oo kor u soo qaaday Qowmiyadaha qaarkood ee Ethoipia oo xukunkii Axmaara cagta hoosteeda geliyay, waxaana ka mid ah Qowmiyadahaasi la faquuqay Soomaalida, Oromada, Canfarta, Ganbeelaha, Bishanguulka, Tikraha iyo Shucuubta Koonfurta Ethoipia.
Haddaba iyada oo lix bilood uuni ay ka hadhsan tahay doorashada dalkaasi Ethoipia, isla markaana durba loollan siyaasadeed bilaabmay, ayaa waxa muuqata in Qowmiyadda Tigre oo ah awooda Ciidan ee dalka si dadban u maamushaa ay bilaabeen qaar ka mid ah Saraakiishoodu inay siyaasiyiinta ka soo jeeda Tigre ee ku jira EPRDF ku mashquuliyaan sidii tallaabooyin isbedel ah ay uga qaadi lahaayeen Kililada qaarkood sida ka Ismaamulka Soomaalida, Inkasta oo aanay arinta mashquulinta siyaasiyiinta damacu ku jiro ee EPRDF ku koobnayn Tigre, balse waxa la sheegayaa saraakiil sarsare oo Tigre ah oo damaca siyaasiyiintooda EPRDF aan la socon,..
Marka aynu hoos ugu gundo degno Kililka Soomaalida Ethoipa iyo doorashada soo socota ayaa waxa muddooyinkan dambe soo baxayey khilaaf soo kala dhexgalay hoggaanka sare ee xisbiga Soomaalida Ethoipia, xisbigaasi oo ah kuwa bahwadaagta la ah EPRDF, khilaafka madaxda kililka Soomaalida Ethoipia ayaa laga baqayaa inay horseedo fawdo iyo colaad laga soo gudbay oo dibu dhac Kililka Soomaalida kuu noqda, maadaama Deegaanka Soomaalida Ethoipia deris la yahay dalka Soomaaliya oo aanay ka jirin dawlad dhexe oo dalka xukuntaa, Maamulka Kililka 5aad ee wakhtigan talada DDSI haya ayaa suurta galiyay in mucaaradkii hubaysnaa ee ka jiray deegaanka uu ka sifeeyo iyo in shacabka deegaankaasi noqdaan kuwo ka soo reeya cadaawadii ay u qabeen Ethoipia, ee ay isku arkayeen in nacayb ku salaysan diin iyo qowmiyad lagaga qaadanayo dhulkooda, isla markaana loogu geysanayo colaad iskugu jira dil iyo boob, waxa bilaabmay wixii ka dambeeyay 2010 in kililku yeesho TV ku hadla Soomaali oo baahiya Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo wararka horumarka ku saabsan, waxa hirgalay dhismaha kaabayaasha Adeegyada bulshada, ha jiraan meel ka dhacyo iyo gefaf gaadhay shacabka qaarkii hadana waxa la dareemayaa inay Abuurantay qowmiya Soomaaliya Ethoipia ah oo jecel dalkeeda iyo Dadkeeda, waxa haboon in la dhayo oo Dawlada fedraalka iyo Xisbiga EPRDF oo iskaashanayaa toosiyaan meelaha uu ka qaloocday maamulka deegaanka Soomaalida Ethoipia iyo Xisbiga bahwadaagta la ah ee ka taliya DDSI, Isla markaana ay iska ilaaliyaan talaabo kasta oo keenaysa Fawdo, taas oo ka dhalan karta kursi nin la saaro nina laga qaado, waxa muuqda ififaale aan la garanayn wax uu ku dambayn doono oo dadka qaar ka saadaalinayaan colaad dib uga hurta kililka Soomaalida hadii wakhtigan faraha lala galo xil ka eryid IWM ah, xalku waa midnimo guud iyo in la fahmo heerka uu marayo kililka 5aad iyo inaan dib loo celin ee hore loo wado, Qabyaalada iyo wixii dhaliilo muuqdana si wadjir ah u saxaan maamulka heer fedraal iyo midka kililka 5aad..dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo kala riixashada kursiga ee ka bilaabmay xiligan DDSI ayaa dadka ka faalooda saiaayasa Ethoipia cidhibta u saarayaan Ololaha shirweynaha EPRDF ee la doonayo inuu qabsoomo dhawaan inuu saamayn ku leeyahay, maadaama xidhiidh dhaw ay leeyihiin Siyaasiyiinta Tigreega ee hogaanka doonaysa iyo M/weynaha DDSI…
Awdalpress