Awdalpress – Borama – Muddo dhawr iyo toban casho ah ayaa waxa magaalada Hargeysa ku sugnaa salaadiin iyo oday dhaqameedyo isku xil saaray, xal u helidda tabashooyin dhinaca saami qaybsiga maamulka Somaliland ah, waxana ay halkaa u joogeen in ay Ahmed Siilaanyo iyo dawladdiisa la gar naqsadaan. Waxana natiijadii ay sugayeen isugu soo biyo shubatay, in uu Madaxweyne Siilaanyo markii uu dhageystay dacwaddii odayada ee uu ka guddoomay warqaddii ay u qoreen, uu ka soo saaray dikreeto Madaxweyne oo uu ku magacaabay guddi wasiirradiisa ah oo waa sida uu hadalka u dhigaye, u diray in ay fiiriyaan cabashada odayada Awdal, Salal iyo Gebilay ka yimid.
Dikreetadaasi oo ay odayadu ka biyo diideen luqadda lagu soo qoray, ayaa ugu dambayntii waxa maanta odayaduna go’aankoodii saxaafadda u sheegay in ay aqbaleen guddigaasi, oo ay sugi doonaan xalka ay ka gaadhaan dacwaddooda. Sidaana waxa sheegay Suldaan Dhawal oo saxaafadda u sheegay in hadalkiisaasi la isku raacsan yahay, cid ka daba hadlaysaana aanay jirin. Dhawal oo warkaa soo jeedinayaana waxa uu yidhi:
Awdalpress