Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

SHEEKO DHAQAN OO RUN AH; Guur dhexmaray Boorama iyo Burco. Kaftan Hufan oo Madaxda dhaqanka labada dhinac is dhaafsadeen..Akhriso

$
0
0

sheeko dhaday“Madal barakaysan iyo dhacdo maad badan oo arbacadii bishan September saddexdeedii 2014 ka dhacday munaasibad gabadh laysku waydiisannayay, goobtuna ahayd Hotel Ambasador oo ku yaalla Koonfurta magaalada Hargeysa”.

 

Munaasabad ilyartu is qabatay oo madax dhaqan iyo tu maamulba loo dhammaa ama aan idhaahdee dowlad iyo shicibba laga qayb galay oo laysugu habar wacday,  kaftan quruxdii iyo haasaawe duur xulkiisu sareeyana jilbaha la is dhigay, kaasi oo salka ku hayay dhaqanka, deegaanka iyo oo qolo walliba qolada kale hadalka la is weydaarsanayey, ayaa ka dhacday Hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa.

 

Madashu waa caado iyo dhaqan gobeed iyo sidii la yeeli jiray waayo waayo, waxana ay ahayd madal sidii horeba loo arki jiray la isku weydiistay gabadh sharaf badan oo ka soo jeeda qoys sharaf badan oo dalka oo dhan laga yaqaan, waxa uu ahaa ardaa dhig ay ku xidideen magaalooyinka Burco iyo Boorama. Marka si kale loo dhigana beel bari ka soo jeedda iyo beel galbeed ka soo jeedda. Maaha kii u horreeyay balse xiisaha gaar ee geed fadhiisiga ku lamaanaa ayaa ii geeyay in aan xuso.

 

Madashaasi waxa ay xus iyo saxuus u ahayd soo laabashada guurkii hore ee is-dhexgalka bulshada qaybta weyn ka ahaa,  kaas oo cahdigan danbe u muuqda inuu bedelay guur-doceed wiil kastiba ina adeertii ku laabay. Sidoo kale waxa ay ahayd madal dhiirigelinaysa nabada iyo wada noolaanshaha ummadda oo xigaal iyo xidid isku ahayd, ay immiga reero isku cusubi  isa soo horfadhiisteen.

 

Salaadiin, Siyaasiyiin, Wasiiro, Ganacsato, Xildhibaano, Waxgarad, Dhalinyaro iyo Haween doc loo dayaba waa loo dhammaa hadyaddaas qaaliga ah ee labada Beelood is weydaarsanayeen. Goor aan is idhi dadkii mudanka ahaa malaha wayba ku soo idlaadeen madashada quruxda badan ee maalmo dhowr ah laga shaqeynayey sharaxaadeedda ayaa la bilaabay ajandahii iyo qasdigii la isugu yimid.

 

Waa shir dhaqan oo siyaasiyiinta madasha fadhiday door kumay lahayn, balse waxa ay ahaayeen marti sharaf, goob-joogayaal, oo maamusta iyo sharafta ka muuqatay aan is idhi geestooda way bileen,  kuwaas oo kaftanka dhacaya ku xoojinnayey sacab aan kala joogsi lahayn iyo qosol dibadda yaalla oo ka yimid dhuunta dacalkeedda.

 

Sheekh Maxamuud Macalin Carab ayaa aayado quraanka kariimka ka mid ah ku furay, wacdi koobana raaciyay. Intaa dabadeed waxa loo gudbay tiraabtii kale. Caanaa la wadaagaa ee hadal lama wadaago sidaa darteed ninkii lahaa baa u baxay. La iskuma jiro ee waxa istaagay Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mida madax-dhaqameedka gobolka Awdal.

 

Suldaanku waxa uu qaddimay dalabkiisii oo dulucdiisu ahayd in la siiyo Inanta ay ay u soo ardaa fadhiisteen ee uu dhalay ILAAHAY ha u naxariiste maalqabeenkii weynaa ee Indhadeero. Gabadhaas oo uu u doonayay wiil gayaankeeda ah, oo dhiniciisa ka soo jeeda. Calaf baa isla soo doontaye.

 

Suldaan Saleebaan waydiintaa jawaabteedii oo qurux badan markay dhegihiisa soo gaadhay waxa uu fidiyay guntin iyo gabaati gaasiran oo ay golaha ballaadhan la yimaaddeen,  sidii dhaqanka iyo gobanimada guurka  Soomaalidu ahaan jirayna waa looga guddoomay.

 

Suldaan Saleeaan halkaas kuma hadhine wuu sii gondo degay hadalkiisii, oo isla markiiba waxa uu ku dhawaaqay weedh kaftan badan furtay. “Yaradka gabadha waxa kale oo aanu raacinnaynaa toban Beerood oo qodaal ah ee naga guddooma.” Ayuu yidhi Suldaan Saleebaan.

 

Hadalkii waa ka wareegay oo waxa u baxay madax dhaqameedkii reer Burco waxaana toogadiisii isu taagay Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo ah Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco oo yidhi “Iskuma dhawin deegaan ahaan haddana waxaad na socoteen illaa baarkii sare. Markaa waxa la isweydiinayaa intaa aad illaa halkaa na gaadheyseen halkaanu ku maqnayn”. Suldaan Cabdilaahi markii uu ka af-celiyay waydiisashadii Inanta ee uu ku dhawaaqay bixinteeda ayaa sheekadii iyo kaftankii la isu weydaarsannayey madasha waxa ay u muuqatay mid marna dhex miraysa Isaaq iyo Gadabuursi marna gobollada Awdal iyo Togdheer.

 

Suldaanka Guud ee Beesha Isaaq Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa baaciyay hadalka markiisa, oo u baxay,  waxana uu ka sheekeeyay aqoontii ay Marxuumka Inanta dhalay isu-lahaayeen sidoo kale waxa uu taataabtay sifooyinkii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee uu lahaa kadibna waxa uu u duceeyay lamaanaha udubkooda la taagay.

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir halkaas kuma hadhine wuxuu sii nooleeyay qosolkii iyo maaweeladii madasha ka dhacday. Jareexada iyo duur-xulka ninba waa halkuu ka qabtaaye isaga oo daba socda Suldaan Saleebaan odhaahdiisii Beeraha ayuu yidhi; ”Beeralayda had iyo goor muranka dhinaca qoodiga amma dhulka ee dhexmaraa waxa la yidhaahdaa hore uma go’o sidaas darteed Dilla iyo Gabileyna dhul-beereed deegaan ahaan in badan la isku hayay oo sheekadiisu dhagaha uunka hore u wada gaadhay ayaa jiray, haddaba tobankii Beerood ee Suldaan Saleebaan badka keenay haddii aan la isku haysan waanu idinka guddoonay”. Odhaahdaasi waxa ay dhalisay haawaase kaftan badan keennay.

 

Madashii mar keliya ayaa qosol isku yeedhay dabadeed waxa hadalkaas Suldaan Maxamed sii kaabay Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo ku magac dheer Buur Madow bal se isagu dhinac kale ayuu kaftankii haawaasaha iska taagay, maadaama uu raaska hoose ee gabadha la soo doonnay ka soo jeedo waxa uu Boqorku yidhi; “Annagu Habar-jeclo hadaanu nahay geelayagu dhac buu u badan yahay, markaa waxba kama qabno xitaa haddii Beeruhu dhac yihiin sababta oo ah anagu reer Gableedka isma soo gaadhno oo qoladayadan Habar-jeclo waxaanu kala guursanaa badiyaa abtiyaashay oo Dhulbahante ah. Geelana waanu kala dhacnaa laakiin geel la kala dhacay haddii yarad loo bixiyo xeer baanu ka leenahay oo lagama daba-tago markaa idinkuna taas ogaada”.

 

Boqor Cismaan Buur Madow jawaabta kuma uu gaabsanin intaas ee jiho kale ayuu kaftanka u sii fidiyay oo waxa uu furay albaab cusub dabadeedna sheekadii Beeraha halkaas lagaga gudbay “Midna waa ku tala galaysaan oo kun wiil oo Jaamacada Camuud wax ku soo barta aqaladdoodii diyaar baan u nahay waanu idinka doonaynaa. Mida kale mar haddaad maanta Saldanadii reer Ugaas noo keenteen, dhaliil ma leh oo waa baarkii u sarreeyay Samaroon, meeshiinuna waa meel degen oo af qabow oo kii Jannada ah lagaga hadlo. Inantuna waa reer Burco oo ma taqaan huuno, markaa waxaanu idinka codsanaynaa, intaanu Inanta afkiina iyo huuno soo barayno inaad arooska dib noogu dhigtaan”.

 

Munaasibada qosolka ka dhex baxaya iyo xiisihii haasaawahaa heerkii u sareeyay gaadhay waxaana ay horseeday oo weliba sii shidmay jawaab celinta kaftanka sidaas darteed waxaa hadalka Boqor Buur Madow ka daba qaatay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah Salaadiinta Beesha Samaroon isaga oo ka jawaabay codsigaa boqor Cismaan waxa uu Suldaan Samatar yidhi: “Inankayaga ayaanu Nowdii reer Burco soo barnay, kaasaana lagula hadlayaa Inantiina oo maalmaha ugu horreeya lagu soo dhaweynayaa markaa aroos dib loo dhigayaa ma jiro ee ku tallo gala in huuno lagu dhaqayo Inantiina”.

 

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo Salaadiinta Beesha Isaaq ka mid ah ayaa isna ka mid ahaa raggii madashaa midhkiisa ka tuurtay oo dhiniciisa ku ladhay haasaawihii socday siyaasad iyo camalkeed waxaana erayadiisii ka mid ahaa oo uu yidhi; “Beryahan dambe waad na ilaallaysateen oo xagii tijaarta iyo lacagta ayaad naga soo gasheen, dorraad waxaanu idin siinay Khadar Ambassador Inantiisii, maantana Maalqabeenkii weynaa ee Indhadeero Inantiisii ayaad u soo geed fadhiisateen markaa waanu isweydiinay oo waxaanu dhexdayada nidhi, waar nimankii waa kuwan weerarka soo qaaday ee is-dhexgalkii bulshada u soo laabtaye, ma calankii madooba ee ay la soo bixi jireen bay iska dhigeen waxaa se dowladda leeyahay tabashada Beelaha darifyada wax ha laga qabto”.

 

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Af, af loo waayaa ba’ay. Calanka madow iyo tabashadaa uu suldaanku carabka ku dhuftay ka jawaabisteeda waxa u baxay Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ah Salaadiinta Beesha Samaroon”Intaa aad Afka ka leedahay oo uurka jirta ayaa fiicnaan lahayd. Calankan yarna halkan (Hargeysa) iyo halkaaba (Boorama) waa lala soo baxaa oo hadba ka cadhadu ku qaloocato ayaa la soo baxa oo ku cadha burbura ee ma sii ridna. Annaguna tabashadayada ayaanu ku muujinaynay ee niyad nagama ahayn, qaranimadana wax ku yeeli mayno oo annaga taa balan qaadnay”.

Prof.Sulaymaan Axmed Guuleed oo ka mid ahaa marti sharafta fadhiday madashaasi ayaa isaguna ereygiisa ku darsaday wuxuuna yidhi” Inkasta oo aanan ka tirsanayayn Duubabka oo aan iska xidhay Koofiyada, waxaan idiin sheegayaa horta oo madal qurxoon oo si aad ah hadalo la isku dhaafsaday, Aniga Inanka gabadha guursanaya waxa iga xiga Adeerkii Maxamed Ducaale, waxaanse idiin sheegayaa Aniga Awawgay waxa dhalay Isaaq, Aabahayna Ciise, Anigana Ogaadeen, Caruurtaydana Gadabuursi miyaanan ahayn Soomaali oo dhan iyo ninka madashan manta uGu Laandheeraysan..

 

Inkastoo dadka madashaa ka hadlay aanay intaa ku koobnayn oo ay ka badnaayeen haddana waxa soo gunaannaday xafladdaa odayga ugu da’da wayn madaxda dhaqanka Somaliland oo tusaalooyin iyo dhaxal fiicanna durba laga hayo. Waa Xaaji Cabdi Xuseen oo caan ku ah Cabdi Waraabe waxaana uu hadalka madasha ku khatimay duco iyo in ILAAHAY isu barakeeyo lamaanaha is doortay kaas oo saadaal aynu uga dhigayno soo noqoshada guurkii la arki jiray ee Inantu safaaradda ka dhignaan jirtay isla markaana aynu ku yaraynayno guur doceedka ay xaafad waliba maanta keligeed isku noqotay.

 

Tifaftirkii Abdirisaq Mohamed Barkhad/Ogaal
Mahadcelin Yaxye Maxamed Daahir/Goobjooge.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images