Awdalpress(Nayrobi) 05 Jun, 13–Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya, Xasan Sheekh Maxamud iyo Uhuru Kenyatta ayaa maanta heshiis ka kooban shan qodob ku kala saxiixday xarunta madaxtooyada Nagana ee gobolka Nyeri ee dalka Kenya.
Labada madaxweyne oo kulankoodu qaatay muddo laba maalmood ah ah ayaa wuxuu daba-socday kulankii ay ku yeesheen magaladda Addis Ababa ee dalka Ethopia 28-kii bishii hore.
Heshiiska ay labada madaxweyne gaareen ayaa u qornaa sidatan:-
1. In Shir caalami ah lagu qabto Kenya bisha August oo ay wada shir guddoominayaan Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobey si xal loogu helo dib u celinta qaxootiga Soomaaliya ee ku sugan Kenya. Labada madaxweyne waxay hoosta ka xariiqeen in dib u celinta qaxootiga la waafajiyo shuruucda caalamiga ah oo dhammaan qaxootiga Soomaalida ay helaan xuquuqdooda muhiimka ah si ay dib u dhiska dalka uga qeybqaataan.
2. In labada dal ay sameystaan guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo hirgelin lahaa dhammaan qodobada lagu heshiiyey.
3. In labada dal ay iska kaashadaan soo celinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah.
4. In dowladda Kenya ay u fidiso shaqaalaha dowladda tababar lagu kobcinayo tayada iyo waayo aragnimada shaqada si dowladda Soomaaliya ay ugu sahlanaato hirgelinta maamul wanaagga.
5. Iyo in labada madaxweyne ay sii wadaan wada-hadalladooda oo ay si joogta ah u kulmaan.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, ahna la taliyaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Ing. Yariisoow) ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu uga tacsiyeey dowladda Kenya iyo shacabka dhimashada labo askari ah askarteeda ka tirsan ciidamada AMISOM oo maanta ku dhintay gobollada Jubbooyinka.
Ing. Yariisow wuxuu sheegay in madaxweynaha Xasan uu si kulul u cambaareeyey falalka argagaxisada ee ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha dalka Kenya.
RBK





