Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Burcad badeed dishay taliyihii booliska Hobyo iyo Hor-jooge ka tirsan al-Shabaab oo lagu qabtay Boosaaso

$
0
0

newsAwdaalpress(Hobyo) 06 Jun, 13–Maleeshiyo hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeedda ayaa maanta degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxay ku dishay taliyihii booliska ee degmada, Cabdiweli Xasan Xirsi.

Dilka marxuumka waxaa Bar-kulan u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Hobyo Maxamed Maxamuud Cawaale.

Taliyaha ayaa lagu dilay howlgal booliska ay ka sameynayeen magaalada oo lagu bar-tilmaameedsanayay kooxaha burcad badeedda iyo kuwa ka ganacsada maandooriyeyaasha.

Maxamed ayaa wacad ku maray inay gacanta ku soo dhigi doonaan burcadda dishay taliyaha.

Hobyo waa mid ka mid ah magaalooyinka ay saldhigyada ka sameysteen kooxaha burcad badeedda.

 

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay qabteen hor-jooge sare oo ka tirsan kooxda al-Shabaab kaddib is-rasaaseyn dhex martay ciidanka ammaanka iyo eedeysanaha oo la sheegay inuu rasaas ku furay ciidanka.

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa BBC-da u sheegay in Cabdikaafi Maxamed Cali uu ku dhaawacmay howlgal ay ciidanka ka sameeyeen guri uu ku sugnaa, haatanna lagu daweynayo isbitaal ku yaalla Boosaaso.

Askari ka tirsanaa ciidanka ammaanka ayaa ku dhintay howlgalka oo saameyn ku yeeshay isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Khaliif wuxuu sheegay in Cabdikaafi uu ahaa madaxa howlgallada al-Shabaab ee deegaannada Puntland.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa saldhig ku leh buuralleyda Galgala ee galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.

Waxaa la rumeysan yahay in maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab ay u wareegtay Puntland dabayaaqadii sanadkii tegay kaddib markii lagala wareegay magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla koonfurta, oo Kismaayo ay ka mid tahay.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images