Awdalpress(Jigjiga) 10 Sep, 14– M/weynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethoipia Cabdi Mxamud Cumar ayaa maalmahan isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada DDSI, Isku shaandhayntan ayaa ka dhalatay kulan ay wada yeesheen gudida fulinta xisbiga DDSI iyo golaha wasiirada DDSI, taas oo go’aan lagu gaadhay in la turxaan bixiyo wixii khaldan, si hawlaha maamul iyo habsi u socodkooda loo sii Ambaqaado tubta toosan, isla markaana la sameeyo isku shaandhayn golaha wasiirada ah, ujeedada isku shaandhayntan ayaa ahayd in masuulka loo arko inuu ka soo bixiyay masuuliyiindii shacabka uu u hayay la bedelo, loona magacaabo qof ku haboon.
Dadweyaha deegaanka DDSI ayaa si diiran u soo dhaweeyay isbedelka M/weyne Cabdi Maxamuud Cumar uu ku sameeyay golihiisa wasiirada ee uu ku soo daray golaha xubno firfircoon oo muhiim ah, Arintan isbedelka ayaa meesha ka saartay dacaayado raqiis ah oo mudaba ay ka qorayeen Masuuliyiinta DDSI qaar ka mid ah Warbaahinta ka soo horjeeda degenaashaha iyo xasiloonida DDSI iyo guud ahaan dalweynaha dalka Ethoipia, kuwaas oo ka faafinayay warar aan jirin oo lagu jahawareerinayay Dadweynaha ku nool DDSI.
Sidoo kale waxay Arimahani bayaamiyeen wadashaqaynta wanaagsan ee u dhaxaysa Madaxda Dawlada fedraalka Ethoipia iyo Masuuliyiinta u saraysa dawlad deegaanka Soomaaliada Ethoipia, Cid kasta oo cadaw ku ahayd nabadgelyada iyo hanaanka maamul ee DDSI ayay arintani tustay maahmaahdii ahayd ” Arin dawlo iyo Indho Qudhaanjo midna lama Arko” Warbaahinta Soomaalida qaarkood ayaa wakhtiyadan dambe caadaystay warar been abuur ah oo aan ku salaysnayn xaqiiqada deegaanada Soomaalidu degto ka jirta u soo bandhigaan Akhristayaashooda.
Awdalpress






