Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

WAR DEG DEG AH: Shacabka xaafadda Hodan oo gacanta ku soo dhigay niman baastoolado ku hubaysan oo habeenkii xalay nin ku dilay xaafadda Hodan.

$
0
0

Breakingnews.Awdalpress – Muqdisho -Waxa xalay Xaafadda Soonakey ee Degmada Hodan ka dhacay Dil kooxo bistoolado ku hubaysani ay u geysteen askari ka tirsanaa Ciidamada canshuuraha ee degmadaasi, iyada oo kooxihii dilka geestay aanay u suurto galin in ay fakadaan ama baxsadaan.

 

Shacab ka agdhawaa halkii uu dilku ka dhacay ayaa markiiba ka daba cararay ragii dilka geystay,  waxana ay gacanta ku soo dhigeen labo nin oo ka dambeeyay dilka loo geestay Askariga katirsanaa Minishiibiyada Muqdisho.

 

Gudoomiyaha Degmada Hodan ayaa Warbaahinta u sheegay in gacanta lagu hayo ayna hada kuxiran yihiin Xarunta Dambi baarista CID-da labo nin oo xalay dil ka geestay Degmada Hodan ayna gacanta kusoo dhigeen dadka degmadaasi.

 

Waa markii ugu horreysey ee shacabka Magaalada Muqdisho qaarkood ay ku dhiiradaan soo qabashada raga Bistooladaha ku hubaysan ee fuliya dilalka qorshaysan ee inta badan ka dhaca Magaalada Muqdisho.

 

Shacabka ayaa sugaya in raggaa si deg deg ah loo hor keeno sharciga lana mariyo ciqaabta ay mudan yihiin. Dadkii hawshaa soo qabashada ahna la abaal mariyo. Si shacabku ugu dhiirradaan soo qabashada iyo sheegaanta dadka falalka ammaan darrida ah ka wada caasimadda.

 

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images