Awdalpress – London – Muddo dhaweyd waxa magaalada Hargeysa isugu tegey oday dhaqameed ka socday degaannada gobollada galbeedka Somaliland, oo ay ujeedkoodu ahayd in ay Madaxweyne Ahmed Siilaanyo kala hadlaan, wax ay ugu yeedheen caddaalad darro dhinaca saamiga shaqaalaha dawladdiisa ah, oo ku sii xoogaysanaysa degaannada galbeedka amma aan idhaahdee beelaha Samarroon.
Arrintan oo ay kulammo ka yeesheen Madaxweyne Ahmed Siilaanyo iyo oday dhaqameedka gobollada galbeedka Somaliland, ayaa lagu soo af meeray in uu madaxweynuhu u saaro guddi ka socota gobolihiisa wasiirrada. Welina aanay waxba ka soo bixin. Laakiin la filayo in ay bilo qaadato. Odayadiina ay dib ugu noqdeen degaankii amma magaalooyinkii ay ka yimaaddeen, walow ay markii hore nidar ku galeen in aanay jawaab la’aan ku noqon dadkoodii.
Haddaba waraysi arrintaa ku saabsan oo uu wariye Abdillaahi Mohamed Ali kula yeeshay xarunta TV Star Media oo ku taalla magaalada London ayaa sidan u dhacday.
Cudur daar.…. Waxan ka xunnahay in xagga farsamada daraaddeed uu codku u yara gaabtay, waxanse balan qaadaynaa in aad waraysiyo dambe aan kaga bogan doontaan siyaasadda Somaliland ee ku wajahan gobollada galbeed oo iyada oo muuqaal ah uu idiin soo tabin doono Ahmedweli Goth.
Awdalpress.com





