Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Nin u hadlay ciidammada dawladda Federaalka oo xaqiijiyey in ay gebi ahaanba Alshabaab ka saareen Magaalada Ceel Buur iyo degaannada hoos taga.

$
0
0

CeelbuurAwdalpress – Ceel Buur – Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay Saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Deegaanno dhawr ah oo hoos yimaadda Magaaladaasi.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda oo lagu Magacaabo Maxamed Kaariye,  ayaa sheegay in ay Al-Shabaab maanta kala wareegeen  deegaanno badan oo hoostaga Degmada Ceel Buur halkaas oo ay maamulayeen Dagaal yahannada Xarakada Al-Shabaab.

Maxamed Kaariye ayaa xusay in dagaal la’aan ay Al-Shabaab ka saareen Deeganno dhoor ah oo ay ka mid yihiin Ceel lahelay, Ceel-qooxle iyo Ceel-shiil , waxana uu intaa ku daray in Dagaal yahannadii Al-Shabaab ee ku sugaa deegaannadaasi ay isaga baxsadeen dhulkaa, immigana ay weli ku daba jiraan.

Sarkaalkan ka tirsan Ciidanka Dowladda ee ku sugan Degmada Ceel-Buur,  ayaa sheegay in ay wali ku sugan yihiin deegannada ay AL-Shabaab kala wareegeen ayna sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagaga sifaynayo Deeganada hoostaga Ceel-Buur iyo guud ahaanba Gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in ay dib ula wareegeen deegaanno hoostaga Magaalada Ceel-Buur halkaas oo laga saaray, lamana oga cidda hadda sida rasmiga ah u maamusha Deegaanada hoostaga Ceel Buur oo labada dhinacba sheeganayaan in iyagu ka taliyaan.

Awdalpress

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images