Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Laba sarkaal oo ka wada tirsanaa ciidanka Somaliland oo ka soo jeeda degaannada Dilla iyo Gebilay ayaa askari ciidankooda ahi rasaas nafta kaga qaaday.

$
0
0

???????????????????????????????Awdalpress – Burco – Laba sarkaal oo ka mid ahaa ciidanka Somaliland ee aagagga Sool iyo Sanaag ayaa geeriyooday,  kadib markii askari ka tirsan ciidanku uu toogtay. Askarigaa oo la sheegay in disbiliin la saaray uu ka cadhooday, kadibna uu qorigiisii inta uu soo qaatay la dhacay saraakiisha oo meel waab ah hadhsanaysa.

Marxuumiintan oo maanta lagu aasay magaalada Burco ayaa ka soo  kala jeeda degaannada  Dilla iyo Gebilay.  Ninka dilayna waxa uu ka soo jeedaa Gar’adag. Waxana uu ahaa nin caafimaad qaba.

Dhacdadani waa tii ugu horreysey ee nooceeda ah, waxana laga baqayaa in ciidammada Somaliland ee jiidda hore kala shakiyaan, oo is aamminku xumaado, mar haddii ay askartii dhaqanka noocan ah bilaabeen.

Sarkaal ka tirsan ciidanka milleteriga Somaliland ayaa sheegay maanta in laba sarkaal oo ka mid ahaa ciidanka Somaliland ee deegaanka Quri-lugud ee gobolka Togdheer ay geeriyoodeen , kadib markii askari ka tirsan ciidanku uu toogtay shalay maqribkii .

Labadaa sarkaal ee geeriyooday oo kala ahaa abaanduulihii iyo taliyihii hawlgelinta ee guutada 17aad ee ciidanka , waxaa afhayeenka u hadlay milleterigu uu sheegayaa in la baadhayo sababta dilkaasi . faah-faahin kale lagama bixin dilkaasi .

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images