
Awdalpress – Marka – Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka socda Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidammada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo gacan ka helaya Ciidammo la sheegay in ay ka socdaan dalka Mareykanka.
Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh/Hoose Maxamed Xaaji Cismaan ayaa saxaafadda u sheegay in Ciidammada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo gacan kahelaya Ciidammo mareeykan ahi, in ay Qorsheenayaan sidii Duullaan loogu qaadi lahaa Deegaannada Al-Shabaab ka joogaan Gobolka Sh/Hoose iyo Gobolo kale oo jaar la ah.
Maxamed Xaaji Cismaan ayaa Warbaahinta u caddeeyey in dhammaadka bishan la qorsheeyay Duulaan culus oo lagu qaadayo Deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan Gobolka Sh/hoose gaar ahaan Degmada Baraawe iyo Degmooyin kale oo ka tirsan Gobollada Bay iyo Jubbada Dhaxe.
‘’ Waxaa la qorsheeyay in weerar Cir iyo dhul ah lagu qaado Magaalada Baraawe , Diinsoor iyo Bu’aale, Dagaalka waxaa nagu gacan siinaya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykana ah oo dagaalka kaga qeyb qaalaya Diyaarado Dagaal oo xoog leh ‘’ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey.
Maxamed Xaaji Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamo Mareykan ahi ay gacan ku siiyeen Dagaalada ka socda Qeybo ka mid ah Gobolka Sh/Hoose , waxana uu intaa raaciyay in howlgalka la qorshaynayo uu yahay mid lagu cidhibtirayo Xarakada Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in ay gudaha Soomaaliya ka joogaan Ciidammo iyo Saraakiil tiro yar oo gacan siinaya Ciidammada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee dagaalka kula jira Al Shabaab, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowlada Mareykanka oo lagu caddeeyay in ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan Howlagallada hadda ka socda qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
Awdalpress




