Awdalpress – Muqdisho – War goor dhow na soo gaadhay ayaa sheegaya in Qaraxa xooggani uu goor dhow ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan aga-gaarka Isbitaalka Xoogga. Qaraxaasi oo dhawaqiisa laga maqlayey xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xirdhay laydhka ku yaalla baallayaasha ee ku shaqeeya Cadceedda, kaasi oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ka hirgaliyay Magaalada Muqdisho.
Ciidammada dawladda Federaalka ayaa goobta qaraxa gaadhay. Laakiin weli wax faah faahin ah kama aanay bixin. Hase yeeshaa mid ka mid ahaa goobjoogayaasha qaraxu ka dhacay ayaa saxaafadda u sheegay in Qaraxu uu ahaa mid xoogan, ilaa hadana aan la ogeyn khasaaraha nafeed iyo mida dhaawac ee uu sababay.
Awdalpress




