Awdalpress – Dilla – Waxa maalintii shalay magaalada Dilla ee gobolka Awdal baroor diiq loogu sameeyey saraakiishii lagu dilay degaanka Qori lugud. Kulanka baroordiiqda ayaa ahaa mid ay isugu yimaaddeen waxgaradka degaanka Dilla u dhashay. Ugu horreyn waxa ay u tacsiyadeeyeen qoysaskii ay ka bexeen muwaaddiniintan la laayey. Waxana ay si weyn u cambaareeyeen falka waxshinnimada ah ee uu ku kacay dhagar qabe ka mid ahaa ciidanka Somaliland.
Dhagar qabaha ayaa la sheegay in uu markiiba baxsaday, taasi oo ay duqaydu ku macneeyeen qorshe mu’ammaraad ah oo loo dhigay. Sidoo kale waxa ay sheegeen in aanay goobtu cidla ahayn ee ay ciidammo joogeen, Marxuumiinta la dilayna ay ahaayeen madaxdii ciidammada, haddii aanay arrintu mu’amaraad ahayna ay suurta gal noqon lahayd in la soo qabto dhagar qabaha.
Dhanka kale odayada baroor diiqda ka hadlay, ayaa iska fogeeyey in kulankoodani yahay mid wax u dhimaya nabad geliyada ama uu yahay mid dhacdadan ku eedaynaya qabiil, balse uu yahay mid ay xaq u leeyihiin in ay farta ku fiiqaan xaqiiqada iyo sida ay wax u dheceen. Dawladdana waxa ay ugu baaqeen in ay dhagar qabaha soo qabtaan sharcigana hor keenaan, si bay yidhaahdeen aanay dib danbe falka noocan ahi u dhicin.
Ugu dambayn waxa ay ka digeen in ay ka degaan ahaan, la socdaan askarta ka soo jeedda degaanka Dilla iyo xaalkooda. Waxana ay dawladda Ahmed Siilaanyo si cad ugu sheegeen in ay dhalliilo badani ka jiraan ciidanka dhexdiisa, oo uu dhisibiliintku aad u liito qabyaaladda iyo iskala gurkuna aad ugu badan yahay, taasina ay cawaaqib xun ku keeni karto habka ciidan ee loo baahan yahay in uu nabad gelyada u sugo.
Awdalpress





