Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Itoobiya ayaa Wadamada Deriska ah Siisa Quwad Koronto oo Dhan 170MW.

$
0
0

KorantoAwdalpress(Addis-Ababa) 18, Sept. 2014– Wakaalada Quwada korontada itoobiya ayaa sheegtay in uu wadanku 3 wadan oo ka mida kuwa deriska loo talaabiyay quwada koronto oo dhan 170 megawatts (MW) hydro-power.

Wakaalada ayaa sheegtay in sedexda wadan ee Djibouti,Sudan iyo kenya ay yihiin kuwa loo dhoofiyay helida quwada korontada itoobiya taasoo 3da wadan midkiiba loo qoondeeyay in ay helaan jabuuti 100MW,Sudan 60MW iyo kenya oo ah 10MW sida uu u sheegay walta information madaxa wakaalada Mr Biteweded Gebrealif.

Masuulka ayaa intaa ku daray in wakhti xaadirkan awooda kaydka Quwada korontada ee ay itoobiya haysato ay dhan tahay 2, 370 megawatts taasoo ku filan baahida helida korontada shacabweynaha jamhuuriyada Federalka itoobiya ayuu yidhi.

Mar uu masuulku ka hadlay xiliyada uu laydhku damo ayaa uu sheegay in aynan ahayn Quwada korontada oo yar ama aan ku filnayn dalka dalka balse ay tahay Cilado kala soo dersa dhanka xadhkaha iyo tiirarka laydhka u kala qaada dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in laydhka loo talaabiyay 3da wadan ay xiliyada loo fasaxay tahay Xiliyada habeenkii ee aynan dalka wax cidhiidhi isticmaalka laydhka ah uunan ka jirin iyadoona ay wadanka ka soo galayso lacag adag korna u qaadayso dhaqaalaha wadanka ayuu yidhi. Itoobiya ayaa bilawday dhoofinta Quwada korontada ee Dalka jabuuti sanadkii 2011 halka sudana loo talaabiyay sanadkii 2012.T.I.

Itoobiya ayaa awood u leh in ay Quwada korontada ka dhaliso 45,000MW Hydro,10,000MW ayaa laga dhaliyaa Dabaysha halka 5000 laga dhaliyo geothermal.

Source: Cakaara


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles