Awdalpress(Jigjiga) 21, Sept,2014—-Waxaa maanta ka dhacay madasha shirarka ee SMCX kulan lagu falanqaynayay nidaamka xilgudashada shaqada iyo meel-marinta jihooyinka hayaanka geedi socodka qorshayaasha horumarineed ee u yaala XDSHSI kana kooban kuwa Dhaw,Dhexe iyo Fogba.
Kulan-wadareedkan saaka ayaa xiiso wayn ay u qabeen Qaabdhismeedyada heer Deegaan iyo Masuuliyiintuba iyadoona ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo ay ka mid ahaayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI mudane Maxamed rashiid Isaaq, madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir,Wasiirka Madaxtooyada DDSI mudane Axmed Shukri,Golaha Capinetka iyo Gudiyada Maaraynta shaqada xafiisyada Heer Deegaan.
Shirkan ayaa intuunan bilaabmin ay kooxaha fanka deegaanku ku madadaalinayeen Murti Maaxatay oo ka turjumaysay isbedelada horumarineed,dabaaladhufyaha Biyaha burqanaya,hardanka lagula jiro saboolnimada iyo Xasiloonida saldhigtay ee lagu laday taasoo ay ku luqaynayeen Kooxda Liyuu-band.
Waxaana ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar isagoona si xeeldheer uga faalooday xiliyadii qalafsanaa ee uu Xisbiga Dimoqraadiga Shacaba soomaalida itoobiya u soo galay heerka iyo isbedelada baaxada wayn ee maanta la taagan yahay islamarkaana lagaga soo gudbay Caqabadihii iyo turunturooyinkii oo ay XDSHSI iyo Xukuumaduba u soo dhabar adaygeen.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in halbeega Xukuumada maantu yahay la dagaalanka Saboolnimada,Nabad-diidka iyo shacabkoo degdeg looga jawaabo baahiyahooda lana gaadhsiiyo horumar waara. Wuxuuna madaxwaynuhu siwayn ugu mahad-celiyay dhamaanba shaqaalaah Qaab-dhismeedyada dawlada DDSI oo si mug leh uga qayb qaaday hirgalinta qorshayaasha horumarineed iyo ka jawaabista baahiyaha shacabka isaga oo tilmaamay madaxwaynuhu in deegaanku wakhti-xaadirkan marayo meel aad u wanaagsan haddii ay tahay dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban loona baahan yahay in hore loo sii socdo oo dib looga noqon la iskana caabiyo wax kastoo carqalad galin kara nidaamkan curdinka ah ee wakhtiga iyo naftaba loo huray iyadoonan xukuumada deegaanka,shaqaalaha dawlada iyo shacabka deegaankuna aanay marnaba u dulqaadan Karin wax dhib iyo turunturo ku noqon kara Horumarka iyo Nabadgalyada la dhadhansaday laguna laday.
Dhanka kale mar uu madaxwaynuhu carabka ku dhuftay nidaamka hogaaminta deegaanka iyo amarqaadashada(Chain o Command) dhanka Maamulka ay leeyihiin shuruuc iyo xeerar lagu kala hago oo aan cidna dulminayn halka Xisbiguna uu leeyahay Gole- Dhexe ka kooban 43 kuwaasoo 2/3 meel ay todobaadkii hore ku shireen Xarunta Xisbiga kuwaasoo idmay magacaabista gudiga sare ee Qabanqaabda Shirwaynaha XDSHSI halka ay 3 ka mida Gudiga Fulinta laga saaray laguna bedelay Xubno kale.
Madxwaynaha ayaa tibaaxay in dhamaan heerarka Qaabdhismeedyada shaqaalaha dawlada,Hogaaminta Dhaqana iyo Qaybaha bulshada deegaanku u bislaadeen marxaladaha cakiran sidii looga gudbi lahaa oo kaalintoodii io adeegyadii ay shacabka u hayeen aynan maalina xagal-daacinin taasoo uu madaxwaynuhu uga mahadceliyay kuna booriyay in si durugsan oo yididdilo leh u sii labajibaaraan shaqooyinkii laga sugayay.Sidoo kale madaxwaynaha ayaa idmay in shaqaalaha iyo masuuliyiinta ka maqan goobahoodii shaqo ay sida ugu dhaqsaha badan iskaga xaadiriyaan xilgudashada adeeg-bixintii loo xilsaaray waajibna danta umada iyo ladagaalanka saboolnimada darteed tahay in masuul kasta ilaa heer tuulo laga hawlgalo.
Gudoomiyaha XDSHI ahna afhayeenka Golaha-baarlamaanka DDSI mudane maxamed rashiid isaaq ayaa isaguna ka warbixiyay qorshayaasha siyaasadeed iyo siiyaalada Nidaamyada horumarineed ee xisbiga wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in xisbugu guulo waawayn ka soo hooyay dhinacyada hirgalinta qorshayaasha horumarka,kor u qaadida dhinacyada adeegyada shacabka,saxar- tirida nidaamka hogaaminta maamulka suuban ee xisbiga iyo waliba in guulo balaadhan laga soo hooyay dhinaca xidhiidhka qurba-joogta DDSI oo uu sheegay gudoomiyuhu in ay qurba joogta DDSI muunad ku dayasho mudan u noqotay dhamaan qurba joogta itoobiya.
Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid hayir oo ka hadlay madashaasi ayaa waxa uu si mug leh uga warbixiyay sooyaalkii siyaasadeed ee uu deegaanku soo maray iyo marxaladihii kala duwanaa,jaran jarooyinkii iyo carqaladihii deegaanka lagu mijoxaabin jiray taasoo xisbiga talada Deegaanka hayaa uu heerar badan la soo maray sidii uu xididada ugu siibi lahaa. wuxuuna sheegay Masuulku in hadda deegaanka meel aad u wanaagsan marayo loona baahan yahay in la sii wada horumarka sida xawliga ah uga hirgalay deegaanka. Isku soo wada soohoo Shirkan ayaa ku bilaabmay jawi farxadeed iyo warbixin kuna soo dhamaaday jawi aad ay farxadiisu u sarayso hawraarsan iyo hala yeelo.
Wararka DDSI Jigjiga