Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

TUDHAALAHA WAA LAGU TIS-QAADAA.

$
0
0

OLYMPUS DIGITAL CAMERASomaliland  oo gedo-jirsatay mudo ku siman 24 sano, ayaa waxay soo martay marxalado badan oo mid waliba waayaheeda iyo wadcigeedaba lahaa. Muddadaa ay Somaliland jirtey waxa xilka madaxtinimo ee dalka soo kala dhaxlay afar madaxweyne. Waxaanay kala ahaayeen: Marxuum C/raxmaan Axmed Cali, marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Mudane; Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweynaha haatan talada dalka haya mudane; Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

Intaa ka dib, aniga oo aan sii gudo-galayn taariikhda Soomaaliland soo martay muddadaa  ay jirtey, ayaa waxaan maqaalkan gaaban ku soo tabinayaa qoraal kooban oo ka fal-celinaya foore-fooraha iyo fool-xumooyinka muddooyinkan dambe laga dhigto hal-qabsiga, hal-hayska iyo hurinta colaado mar kale dib loo afuufo si loo kala daadiyo oo loo waxyeeleeyo umaddan walaalaha ah ee illaahay is baday meelna ku wada nool.

 

Hadii aan u soo gundo-dego dulucda qoraalkayga, waxa jira beryahan dambe jahwareer ku dhacay bulshada Soomaaliland  taas oo ka dhalatay majaro-habaabinta ay siyaasiinta dalkeena hormoodka ka ahi ku dhaba-dhabeeyeen bulshadii rayidka ahayd,  iyaga oo fikradahooga gurracan u sii marinaya qaab qabiil iyo isirnimo ku salaysan.  Siyaasiyiinta caynka iyo bayda  is weydaarisay  ee ummaddii madaxooda ka yeelay mijiha, maaha cid kaliya ee waa siyaasiyiinta ku jira dhammaan axsaabta muxaafid iyo mucaaridba leh. Waxaad arkaysaa dhacdooyin maalmeedka adduunka ee meel walba ka dhaca oo ka dhacaya dalka, illayn Soomaaliland waxa ay ka mid tahay adduunkee. Markiiba dhacdooyinkaasi waa la siyaasadaynayaa waxa loo badelayaa qaabkii ay wax u dhaceen maahee qaab kale. Si loo kiciyo beel  ama bulsho meel deggen. Dhacdooyinkaas ayaa si munaafaqadaysan loogu xidhiidhiyaa mid kale oo aanay shaqoba isku lahayn. Kaliya ujeedada laga leeyahayna ay tahay xil iyo kursi raadin. Haddaba su’aashu waxa ay tahay kursiga ma munaafaqadayn dadka wada dhashay ee wada deggen la kala dhex dhigo ayaa lagu gaadhayaa mise kursiga sifooyin kale oo qurux badan ayaa ka habboon in lagu doonto haddiiba han siyaasadeed iyo hami maamul kugu jiro? . Bal adba!!.

Bulshada rayidka ah ee dalka ku nool waa dad haybad, karaamo,sharaf iyo cisiba leh meel kasta oo ay joogaan ama gobol kasta oo deggen yihiin, waa dad jecel nidaamka, nabadda, horumarka, wax wada qabsiga iyo iskaashiga intaba. Bulshada rayidka ahi waa tan ugu horeysa ee dhiig iyo dheefba u hurta adkaynta nabadda iyo xasilloonida dalka. Bulshada rayidka ahi waa ta laga qaado dhaqaalaha (cashuurta) dalka lagu maamulo ee lagu bixiyo mushahaarada ay dawladu siiso shaqaalaheeda ama ku bixiso horumarka iyo adeegyada kale ee bulshada. Haddii ay bulshadii tahay kaalinta koowaad ee dhismaha dawladnimo iyo shacbigii berrito siyaasigu ka rabay codka, saw maaha  in loo shaqeeyo? Saw maaha in la ilaaliyo karaamadooda iyo xuquuqdooda muwaadin ee distoorku u xalaaleeyey? Waa su’aalaha taaganka ah maanta. Dadka yaa u maqan?.

Dawladda haatan dalka talada u haysaa waa dawlad ay shacbigu doorteen, sababta loo doorteyna waxa ay ku soo ururaysaa inay ummadda u shaqayso oo danaha ummadda ka taliso. Dawladdu waa in aanay noqon mid shacbigu ka baqaan ee waa inay noqotaa mid iyadu ka baqda shacbiga oo dhageysata, maxaa yeelay codka shacbiga ayay ku fadhidaa dawlada manta majaraha inoo haysaa. Qodobka ay ila tahay in dawladu weli ka aradan tahay waxa weeyi xidhiidh la’aan baahsan oo ka jirta dawlada iyo shacbiga ay maamulayso, sababtuna ay tahay xayndaabka ashkhaasta ugu sareysa oo isku gedaamay meelihii laga soo tebin lahaa tabashooyinka bulshada. Hadiiba ay dhacdo inuu qof ka hadlo xaqiiqda jirtana waxa lagu shaabadeeyaa koox ama xisbi mucaarida oo iska dulaaqmaya. Xaasha! In codka shacabka la siyaasadeeyo. Fariinta shacabku waxay dan u tahay dawlada xilka u haysa, shacabku waa carooga dawladuhu ka ogaadaan dhaliilaha iyo gal-dalooliyinka ay leeyihiin. Ma geyaan in la dhibaateeyo ama la waxyeeleeyo. Dhanka kale, shacbigu waa in ay ogaadaan in dawlada leeyihiin oo aanay cadow ku ahayn, hadiiba ay mudaharaado ama dhaliilo soo tebinayaana waa in ay ku ilaaliyaan hanaan degenaansho ka muuqdo oo codkooda ama baaqa ay dirayaan loo fahmi karo waxna looga qaban karo hadhow. Hadiiba ay rabshado dhacaan waa in dawladu aanay isku deyin in ay xoog ku muquuniso oo aanay dadka danyarta ah u adeegsan rasaas ama hub kale. Taas waxay sii kordhinaysaa dhibaatada iyo xasilooni darada.  Dalka yaa u maqan?.

Dhalinyarada haatan u heelan  saaxada siyaasada ee dalka ka jirta inay ku soo biiraan ama ka mid noqdaan iyaga laftooda ha ka fogaadaan siyaasada qabiilka ku salaysan ee aan aragtida fog lahayn. Baryahan dambe waxaad arkaysaa koox dhalinyaro ah oo isku urursatay ama la baxaya magac qabiil ka dhex dhadhamayo. Dhalinyarta markaad tahay tamarta iyo xooga kugu jira waxa haboon in aad u adeegsato dhinaca wanaagsan ee horumarka, waxay ahayd inaad ka faa’iideyso waqtiga kaaga lumaya fadhi ku dirirka iyo muranka madhalayska ah intaba. Ku gaadhi maysaan talo iyo horumar lagu tanaado intaad ardaaga iyo oodaha isku soo xidhaan,  qoolka qabiilkana xayn-daab ka dhigataan. Waxaanan  leeyahay dhalinyarada haatan ku hawlan waxyaalahaas aan soo xusnay, ka soo baxa Iilka qabiilka oo u soo baxa iftiinka iyo ka qayb galka qarankiina curdinka ah ee qabyada badan ka muuqato sidaad wax ugu qaban lahaydeen inta kolba idinkaga aadan. Ha noqonina ninkii laantuu ku fadhiyey gudinta ku jarayay (JUXA). Taariikhda maantana yey idiin gelin dhambaal aydun beri ka qoomamootaan. Hadii dawlada maanta aad saluugtaan ama aad dhaliishaan ogaada in cod lagu diri karo.

“Cod nimaan ku diri karo

Col hadaan u soo diro

Wuxuun bay u daran tahay

Ka dambeen halkiisaa

In loo doorto jecelahay”.      Abwaan Gaariye.

Axsaabta mucaaridka iyagana waxaan leeyahay iska ilaaliya inaad bulshada kala furfurtaan oo kala daadisaan, ku gaadhi maysaan himiladiina iyo hiigsigiina siyaasiga ah ee hanashada talada dalka in bulshada aad sida basasha u dhishaan oo inba qoobad ku xidhaan. Waa sax sheega ceebaha dawlada iyo dhaliilaheedaba dastuurka ayaa idiin xalaaleeyey, laakiin bulshada isku haya oo isku tola, idinka ayaa codka ugu badan ee bulshada gacanta ku hayee. Waxaan kaga baxayaa qoraalkayga tuducii maansadii Gaariye AHUN ee GURMAD.

“Hadaad Gorrad diidan tahay

Ku koob dirirtaada Gorrad

Ha nicin gobolkuu ka yimid

Ha giijin xadhkaha ha jarin

Ha goyn waxa la isku yahay”.

 

Prepared by: Shabcaan Muxumed Xassan.

MOBILE:0033758598590

FRANCE, CAEN.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles