Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Halkan ka daawo muuqaallo qurux badan oo aan idiinku soo bandhigayno dhismaha cusub ee golaha baarlamaanka Somaliya oo si casri ah dhawaan dhismihiisa loo bilaabi doono.

$
0
0

Dhismah Golaha baarlamanka Muqdisho (4)

Awdalpress – Muqdisho – Magaalada Muqdishu ee caasimadda dalka Somalia ayaa xilligan u muuqata mid u sinqaysa qurux, waxana ka socda dhismayaal caalami ah, oo aad u qurux badan. Waxana hawsha wada shirkado caalami ah oo ka socda waddammada horumaray. Meelaha ay qandaraasyada ka qaateenna waxa ka mid ah Maddaarka caasimadda oo ay u dhisayaan si casri ah, dekedda Muqdisho oo muuqeedu uu noqon doono ta ugu casrisan Afrika, suuqyo, Dugsiyo iyo dhismayaasha dawladda sida golaha baarlamanka oo aad warkiisa hoos ka akhrisan doontaan, muuqaalkiisana aad la fajici doontaan.

Shirkadahan dhismayaasha wada ee qandaraasyada ku guulaystay ayaa waxa ka mid ah shirkado laga leeyahay dalka Turkey, China iyo dalal kale. Waxana meesha ka baxay shirkadihii gaarka loo lahaa, ee lunsan jiray mashaariicda qaranka Somaliyeed hirgelinayo. Tallaabadan oo noqotay mid si dhakhsa ah u soo celisay bilicdii Muqdisho ayaa ku socota xawli aad ah.

Guddiga Joogtada ah ee baarlamaanka Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay kaga doodeen naqshada dhismaha cusub ee baarlamanka iyo dhismayaasha xarumaha baarlamaanka uu ku yeelanayo gobollada dalka.

 

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa waxaa shir-gudoominayey guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad; waxaana goobjoog ka ahaa inta badan guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka.

Furitaankii shirka ayuu guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu kusoo bandhigay naqshada dhismaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xarumaha uu ku yeelanayo gobollada dalka.

Dhismahan oo ay hirgelin doonto dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa laga dhisi doono xarunta dhismihii hore ee baarlamaanka oo loo yaqaan ex-baarlamaan kuna dhow taalada daljirka daahsoon ee Muqdisho iyadoo uu la mid noqon doono dhismaha baarlamaanka Soomaaliya kuwa caalamka marka loo eego muuqaal ahaan iyo qaybaha uu dhismahani ka koobanaan doono, iyadoo lagu wado in dhawaan dhismaha baarlamaanka laga billaabo Muqdisho.

Sidoo kale, dhismaha xarunta baarlamaanka waxaa wehlinaya dhismayaasha xarumaha golaha shacabka uu ku yeelanayo gobollada dalka, iyadoo gobol walba oo dalka ka mid ah uu baarlamaanku ku yeelan doono xarun, kaasoo ka koobnaan doona laba qaybood oo kala ah deegaanka xildhibaanka iyo hoolka uu xildhibaanku shacabka uu metelo kula kulmayo marka uu dib ugu laabto deegaankii laga soo doortay.

Ugu dambeyn, guddiga ayaa kulankooda uga hadlay weynaynta munaasabadda maalinta calanka Soomaaliyeed oo 12-ka bishan Oktoobar ay ku beegan tahay sannad-guurrada 60-aad ee kasoo wareegatay aasaaska calanka Soomaaliya, waxaana arrintan loo xil-saaray guddi gaar ah oo uu gudoomiye ka noqon doono guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images