Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somalia oo maanta yimid Hargesya

$
0
0

Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta wafti uu hoggaaminayay safiirka Britain u qaabilsan Somalia, Neil Wigan oo fadhigiisu yahay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Safiirka Ingiriiska

Kulankaasi oo aan warbaahinta loo oggolayn waxa markii uu dhammaaday warbaahinta uga waramay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Bixi Yoonis ayaa sheegay in safiirka iyo madaxweynahu ka wada hadleen shirka ganacsiga ee Somaliland loogu qabanayo London iyo sidii labada dhinac xidhiidhkooda u sii xoojin lahayeen.

Sidoo kale, wasiirku arrimaha Dibadda Somaliand ayaa sheegay in Somalia ka gaabinayso in wada hadalladii u dhexeyey labada dhinac sii socdaan isaga oo dawladda Ingiriska ka codsaday inay u baahan yihiin in dalal kale ka qaybgalaan si wada hadaladaasi u sii socdaan.

Sidoo kale, Safiirka Ingiriska u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan ayaa sheegay inay dhiirri-galinayaan inay wada hadalladaasi sii socdaan, isla markaana laga gaadho natiijo fiican.

Safiirka waxa kale oo uu sheegay in madaxweynaha ka wada hadleen sidii loo ilaalin lahaa dimuqraadiyadda iyo sidii doorashadda madaxweynuhu wakhtigeedda u dhici lahaayeen.

“Waxaana ka wada hadalnay Arimo badan oo khuseeya labada dal oo ay ka mid yihiin nabada galiyada labada wadan,Waxaanu ka wada hadalnay Shirka ka dhacaya Wadanka Ingiriiska oo Dawladaasi qaban-qaabisay somaliland kusoo Casuuntay kaas oo dad badani kasoo qayb galayaan”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Somalialnd Maxamed Biixi.

Waxaanu intaas ku daray “ Waxaad la socotaan in madaxwaynaha somaliland Bari Toole lagu soo casuumay Markab taagan Dekadda Berbera, Waxaanu ka wada hadalnay oo kalena waxa ka mid ah Doorashooyinka iyo Halka uu marayo Horumarka uu dalka Somaliland Maanta Taagan yahay”.

“Somaliland aad bay u danaynaysaa wada hadaladaasi, laakiin waxay ka socon laayihiin dawladda Soomaaliya, waxaana safiirka u sheegnay in aanan ku faraxsanayn dib u dhacyadaasi taas oo aanu u sheegnay inay soomaaliya dib u dhigayso mar walba, waxaana safiirka waydiisanay in aanay Ingiriiska oo qudhi taageerin ee ay ka qaybqaataan wadamo kale oo danaynaya siday qayb uga qaadan lahaayeen wada hadalkaasi”ayuu yidhi Biixi oo ka hadlayey sii socodka wada hadaladaasi.

Sidoo kale, waxa isaguna dhiniciisa ka hadlay  Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, waxaanu sheegay in madaxweynaha ka wada hadleen sidii doorashooyinka la filayo 2015 inay ka dhacaan Somaliland u qabsoomi lahayd iyo inay sii socdaan wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya u socda.

“Aad Baan ugu Farax Sanahay inaan Madaxwayne Siilaanyo Xafiiskiisa kulan kula yeesho,Isla markaasna kusoo casuumo Markab taagan xeebta Berber, waxaana ka wada hadlay xaga dimuqraadiyadda, doorashooyinka soo socda iyo sidiii ay dawladda ingiriisku uga qaybqaadan lahayd horumarka Somaliland ka socda”ayuu yidhi safiir Neil wigan.

“Waanu taageersanahay wada hadaladda u socda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana dhowaan kala hadlay dawladda Soomaaliya inay wada hadalkaasi sii socdo waxayna ii sheegeen inay sii wadayaan oo dhowaan bilaabmayo, waxaana ku rajo weynahay in bishan dib u bilaabmo wada hadalkaasi”ayuu yidhi safiirka ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya oo ka hadlayey wada hadalkaasi.

Waxanu intaas ku daray. “Dalkaygu wuu dhiirigalinayaa inay wad hadalkaasi natiijo lag gaadho sida ugu dhakhsiyaha badan”.

Sidoo kale, dawladda Ingiriiska ayaa sheegay inay Somaliland ka taageerto tobabarka ciidamadda ilaalinta xeebaha, shirka ganacsiga Somaliland loogu qaban doono toddobaadka dambe dalka Ingiriiska.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images