Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dawladda Somalia ee uu Hassan Sheekh madaxda ka yahay oo guulihii ugu waaweynaa ka soo hoysey dagaalka ay Al shabaab kula jirto iyo ciidankii Al Shabaab ugu badnaa oo isa soo dhiibay.

$
0
0

Awdalpress – Marka – In ka badan 40 ciidan ah oo ka tirsanaa Malleeyshiyaadka Al-Shaab ayaa isku soo dhiibay gacanta ciidanka dowladda Hassan Sheekh ee ku sugan degmada Raage Ceelle ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

ciidammo alshabaab oo isa soo dhiibay

Ciidankan oo u badnaa dhalinyaro horey uga tirsaneyd malleeshiyada Al-Shabaab ee ka soo goosatay kooxdaasi ayaa ka dambeysay, markii dagaal adag lala galay Al Shabaab iyo  qaar ka mid ah waalidiinta carruurtaasi ay gacan ka geysteen in ay isaga soo tegaan kooxda Shabaab oo dhawaan lagala wareegay gacan ku heyta magaaladaasi iyo deegaanno kale oo ku xeeran dhanka xeebta.

 

Xasan Hilowle Cabdi oo ka mid ah waalidiinta carruurtooda laga marin habaabiyay oo la soo xiriiray warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhalinyarada isa soo dhiibtay uu ku jiray wiilkiisa oo muddo ku dhaw labo sano la shaqeynayay maleeshiyada Al-Shabaab, haatanna uu ku faraxsanyahay in wiilkiisa uu ka mid nqoday dhalinyarada gacanta ciidanka dowladda isku soo dhiibay.

 

Guddoomiyaha degmada Raage Ceelle Yuusuf Xaaji Maxamuud ayaa qiray in dhallinyaro badan oo ka tirsan degmada ay ka mid ahaayeen kuwii ciidanka isku soo dhiibay, isagoo arrintaasi uga mahadceliyay Waalidiinta iyo odoyaasha dhaqanka ee gacan ka geystay in carruurtooda ay ka soo goostaan kooxda Shabaab.

 

Guddoomiyaha ayaa baaq u diray dhalinyarada kale ee weli ku jira maleeshiyada Al-Shabaab in ay ka faa’iideystaan baaqa dowladdu ee ku aadan inay ka soo tegaan kooxda Al-Shabaab, si ay u helaan mustaqbal wanaagsan

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images