Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maxaad kala socotaa siyaasadda degaanka Ismaamulka Somalida Ethopia ? ( War iyo warbixin isku lifaaqan halkan ka akhriso )

$
0
0

Ethopia SomaliaAwdalpress – Jig Jiga – Waxaa saaka xarunta shirwaynaha 8aad ee XDSHSI, si habsami leh uga furmatay doorashadii iyo cod bixintii xubnaha golaha dhexe, gudiga fulinta iyo gudigii dabagalka ee XDSHSI.

Waxaana si sharciga iyo nidaamka xisbiga qaabilsan loo doortay 51 xubnood oo golaha dhexe ah,15 xubnood oo gudiga fulinta ah iyo 13 xubnood oo gudigii dabagalka ah, kuwaas oo isugu jira xuno cusub iyo xubno horey ugusii jiray oo hadana la doortay.

Haddaba bal aan dib u jalleecno maamulka immiga jira ee uu hoggaamiyo Cabdi Mxamud Cumar xilka M/weynaha iyo waxyaabihii uu qabtay muddadii uu xilka killilka hayey. Taasi oo uu shirweynaha xisbigu siin doono  mudnaan iyo tixgelin, waxana wax qabadka maamulka Madaxweyne Cabdi Cumar ka mid ah;
1- Maamulka suubban ka sokow, waxa uu wax ka qabtay dhinaca Ammaanka iyo kala dambaynta deegaanka Soomaalida Ethoipia.
2- Wuxuu Nabad ka dhexdhaliyay Dawlada Fedraalka Ethoipia iyo Kooxaha WSLF garabkiisii ITIXAAD ee wadaada ahaa ee ka dagaalamayay deegaanka Soomaalida Ethoipia, kuwaas oo horsed ka noqday nabada deegaanka iyo garabyo ka mid ah ONLF.
3- Wuxuu Abuuray Ciidan Boolis oo iskugu jira dhalinyaradii Jabahadaha ahaa iyo kuwii kale oo badhkoodna dhaqancelin uu u sameeyay.
4-Wuxuu Abuuray Nidaam maamul oo ay hormood ka yihiin Aqoonyahano da’ayar oo u dhashay deegaanka Soomaalida Ethoipa oo ka soo    baxayJaamacadaha Ethoipa, isaga oo ka faaiidaysanaya wuxuu u dhiibay laamaha maamulka DDSI, waxaana hada lagu shaqeeyaa hab maamul la  xisaabtan leh, hay’ado dawli ah oo si hufan u shaqeeya.
5- Waxa Abuurmay Ganacsato deegaanka ah iyo shirkado iyo Iskaashatooyin ka hirgalay 9 gobol ee uu ka kooban yahay DDSI, waxaana hoos u dhac ku yimid sixirka quutal daruuriga ee deegaanka oo ahaa midka uGu qaalisan mandaqada, ka dib markii cashuur dhaaf dawlada dhexe ee fedraalku ku soo rogtay Maceeshada dadka deegaanka Soomaalida Ethoipia isticmaalaan.
6- Waxa Maamulku Abuuray Barnaamijyo lagula dagaalamayo Saboolnimada iyo Abaaraha haleela dadka reer miyaga ah, waxaana la hirgeliayay nidaamka loo yaqaan xoolodhaqato/Beeralay, waxa la hirgeliyay Dhaamam biyo xidheeno, Ceelal Riig ah iyo Baraago dhamaantood laga hirgeliyay deegaanada miyiga ah iyo degmooyinka uu ka kooban yahay kililka Soomaalida Ethoipia.
7- Waxa kor loo qaaday mudada uu xilka hayay Cabdi Maxamuud Cumar la dagaalanka Jahliga waxaana la dhisay dugsiyadii uGu badnaa iyo Jaamacado, waxa kale oo la tilmaami karaa sida uu wax uga qabtay dhanka Caafimaadka ee laga hirgeliyay deegaanka xarumo caafimaad kuwii uGu badnaa.
8- Waxa la hirgeliyay TV iyo Idaacad ku hadla Afka DDSI oo dadku dhegaystaan, waxaana la soo nooleeyay Dhanka dhaqanka iyo heesaha, waxaana bilaabmay kooxo iyo fan cusub oo DHAANTADU hormood u tahay.
9- Wuxuu la dagaalamay maamulku Afkaarta xagjirnimada oo deegaankaaga ka galaysay dhanka xuduuda dheer ee Soomaaliya, wuxuuna nooleeyay cilmigii culimada Soomaalida, isagoo ku soo celiyay deegaanka hoygi waxbarashada ee wakhtiyadii gumaystaha iyo hortii jiray, waxa kale oo uu dagaal ku qaaday Kooxo Alshabaab ah oo ciidamada Amaanka ee Liyuu Boolis ku laayeen xuduuda labada Dal ee Soomaaliya iyo Ethoia siiba deegaanka, Cadawgii qaraxyada samaynayay ayaa ka caagay cabsi darted inay qooraansiyaan dhanka Ethoipia, halka Kenya hoy u noqotay, taana waxa sababay dagaalka tooska ah ee maamula DDSI ku qaaday kooxaha xagjirka ah iyo Afkaartooda.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images