Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

R/Wasaare C/weli Sh Axmed oo dalalka deriska la ah Soomaaliya uga digay firxadka kooxda Al-Shabaab

$
0
0

RW-CabdweliAwdalpress(Muqdisho) 07  Oct, 14–Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dalalka deriska ujeediyay inay feejignaan muujiyaan si aanay ugu gudbin firxadka maleeshiyada Al-Shabaab ee looga adkaaday howlgalka Badweynta Hindiya ee ka socda Soomaaliya.

Raysul wasaaraha oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay Muqdisho si wadajir u qabteen isaga, wasiirrada arrimaha gudaha, amniga qaranka, gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka iyo nabad-sugidda ayaa sheegay in howlgallada milateri ee socda uu ujeedkoodu yahay in xididdada loogu siibo Al-Shabaab.

Dhallinyarada u dagaallanta Al-Shabaab ayuu kula taliyay inay ka faa’ideystaan waqtiga ka haray 45-ka cisho ee ay dowladdu u qabatay inay isku soo dhiibaan.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen howlgalka Badweynta Hindiya iyo qabsashada degmada Baraawe oo Al-Shabaab u ahayd goob muhiim ah oo ay ka soo abaabuli jirtay falalka argagixiso.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaqiijiyay in la isku furi doono waddooyinka gobollada laga saaray Al-Shabaab, isagoo xusay inay geyn doonaan gurmad degdeg ah iyo ciidamo isugu jira boolis iyo nabad-sugid.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images