Awdalpress – Muqadisho – Xukuumadda Somalia ayaa horay u sheegtay in la dhimi doono safaaradaha ay Somalia ku leedahay dalalka dibadda qaarkood, ayaa wasiirka arrimaha dibadda Somalia Dr. Cabdiraxmaaan Ducaale Bayle uu maanta shaaca ka qaaday in la xidhay safaarado dhowr ah oo ay ku lahayd Somalia dalalka caalamka qaarkood.
Dr. A/raxmaan Bayle ayaa xusay in golaha wasiirradu ay horay isugu raaceen in la soo xidho sagaal safaaradood oo Somalia ay calaamka ku lahayd, safaaradaha sii shaqeynayana lagu soo koobo 31-safaaradood oo keliya, waana la soo xidhay intii la go’aamiyay in albaabada loo laabo.
“Waxaan ku guuleysannay inaan soo xidhno sagaal safaaradood oo ay Soomaaliya ku lahayd dalalka caalamka qaarkood, waxaase jira kuwo aan jadwalka noogu jirin, kuwaasi oo ku yaalla dalalka: Australia, Azerbaijan, kuwaasi oo ay ka shaqeeyaan qof-qof warqado haysta,” ayuu yiri wasiirka.
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in safaaradaha soo hadhay ee sii shaqeyn doona lagu qaybsanayo habka awood-qaybsiga dalka, taasina heshiis lagu gaaray, safaaradaha furnaandoona la waafajin doono nidaamkaasi distooriga ah ee awood qaybsiga ah.
Dalalka safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd ee la soo xidhay ayaa waxaa ka mid ah; Burundi oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya iyo Jarmalka oo Jaaliyad Soomaaliyeed oo ka cararay dagaalladii dalka ay ku nool yihiin.
Xidhitaanka safaaradahan ayay wasaaradda arrimaha dibaddu sabab uga dhigtay inaysan dowladdu bixin karin kharashaadka faraha badan ee ku baxa adeegyada safaaradahaas iyo shaqaalaha ka shaqeeya.
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa jiray dalal badan oo safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd ay iska sii shaqeynayeen xilli aanay dalka ka jirin wax dowlad ah.
Arrintan ku saabsan yareynta safaaradaha ay Somalia ku leedahay dalalka dunida qaarkood ayaa waxaa cabasho ka keenay Soomaalida dalalkaas ku nool, inkastoo dowladdu ay ku adkeysatay in dhaqaale yari awgeed aysan suuro-gal noqon karin inay sii shaqeeyaan safaaradahaas.
Warka danbe kala soco warkan oo faah faahsan.
Awdalpress





