Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Guddoomiyaha xisbiga Waddani isla markaana ah afhayeenka Baarlamaanka Somaliland ayaa xukuumadda ugu hanjabay in xisbigiisu qaadi doono tallaabo sharci ah, haddii ay Madaxtooyadu oggolaan weydo Dr.Fadal oo ay u soo sharraxeen guddiga Komishanka Doorashooyinka oo uu Madaxweyne Siilaanyo ku gacan saydhay ( Daawo Video-gan adaa yaabiye )

$
0
0

Abdirahman CirroAwdalpress – Hargeysa – Guddoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Abdirahman Cirro, ee isla markaan ah guddoomiyaha golaha wakiillada ama sharci dejinta Somaliland, ayaa mar uu maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa si adag uga hadlay xubintii ay xisbi ahaan u soo sharrexeen ka mid noqoshada Komishanka doorashooyinka Somaliland oo la yidhaa Dr.Fadal. Waxana uu hadalkiisa ku soo daray in ay xisbi ahaan qaadi doonaan tallaabo sharci ah oo aan la garanayn waxa uu ula jeeday. Sidoo kale waxa uu hadalkiisa ku sheegay in dalka Somaliland uu marayo marxalad khatar ah oo u baahan in la badbaadiyo. Intaasi waxa uu raaciyey haddii uu Madaxweyne Siilaanyo dib uga noqon waayo diidmada xubintan in Somaliland waji doonto bur bur iyo dhibaato.

Waxa kale oo hadalkiis ku jirtay hadal uu ugu maah maahay cidda diidday Dr.Fadal oo uu soo sharrexay. Waxana uu yidhi, ‘ Beri baa nin hubkii dagaalka ee Somalidu caanka ku ahayd…waa warankii iyo gaashaankiiye iyo labadii go’ ee cad caddaa wataa, uu u galay colkii ay dagaallamayeen, kadibna, waxa la yadhi, ninka waranka, gaashaanka iyo labada go’ ee cad cad sita qabta. Markaasuu ninkii iska tuuray warankii, haddana waxa la yidhi, ninka gaashaanka iyo labada go’ ee cad cad. Haddana gaashaankii ayuu iska tuuray, markaasaa haddana la yidhi, qabta ninka labada go’ ee cad cad sita, haddana labadii go’ ayuu mid tuuray, haddana ninka go’a  wata qabtaa la yidhi. Kiina wuu iska tuuray, ninka qaawan qabta ayaa la yidhi ugu danbayntii……hadalkaa oo uu ugu danbayntii kala misa dhigay Madaxweynaha diiday xubinnimada ninkan ay soo sharrrexeen xisbiga Wadani.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu guddoomiyuhu inta badan ka hadlay arrimo uu u cuskanayey sharciga, isaga oo taariikhda la diiday ee sexeexa madaxweynuhu ku xusay warqadda, qiray in wakhtigaasi uu Madaxweynuhu sharciyan ku saxsanaa ama diidmadu sax ahayd. Balse uu daba dhigay in aanay warqaddu wakhtigaa soo gaadhin. Taasina ay su’aali daba taallo, sharciguna uu ictiraafi karo uun wakhtiga uu Madaxweynuhu sexeexay. Balse wakhtiga ay soo gaadhi kartaa aanay sharciga ku xusnayn.

Guddoomiyaha golaha wakiilladu waa guddoomihii sharci dejinta, dooddiisa kaftanka haddii sharciga laga eego, waxa ka iman karta su’aal kale, waxana sharciga caalamiga ahi qabaa in qofka hay’adda sharciga joogaa aanu iska odhan karin hadallo kaftan ah, balse hadalkiisu uu noqon karo uun kuwo sharci. Waxase ay arrintani u taallaa sida ay uga jawaab celiyaan xukuumadda iyo wasaaradda Madaxtooyadu. Kaftankuna waa mid ay had iyo jeer madaxda xukuumadda Somaliland isku weeraan, oo caadiba iska ah.

Immigana aan daawanno war saxaafadeedkan guddoomiye Abdiraxman uu ka jeediyey goobta ay saxaafadda Hargeysi aadka u soo buux dhaafisay.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images