Awdalpress – Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminaayay ayaa u ambabaxay Dalka Faransiiska.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay cagta sii marinayeen Caasimada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo ay kulamo kula sii qaadanaayen Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalkaasi Jabuuti.
kulanka ayaa ahaa mid ka dhacay Garoonka Diyaaradaha dalkaasi, iyadoona ay kawada hadleen Arrimo ay kamid ahaayen Safarkiisa Faransa, Ammaanka Dalka iyo qaabka loosii laba jibaari lahaa xiriirka walaaltinimo ee Somalia iyo Jabuuti.
Ra’isul wasaaraha dowladda Jabuuti Cabdul-qadir Kaamil Maxamed ayaa soo dhaweeyay guulaha ay gaareen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF isagoo hambalyo u diray geesiyaasha naftooda u huray howlgalkaasi ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu ku dhiir galiyay in la sii wado howlgalada lagu ciribtirayo argagaxisada Al Shabaab.
Dhanka kale, kulanka kaddib ayaa madaxweyne Xasan uu ka ambabaxay garoonkaasi isagoo u ambabaxay magaalada Paris ee dalka France oo uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaasi.
Awdalpress





