Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

BAAQ TAAGEERO AH SHIRWEYNIHII XISBIGA XDSHSI EE LAGU SOO GABAGABEEYAY FIIQ

$
0
0

Anaga oo ah qurba joogta ka soo jeeda gobolada Faafan iyo Shiniile iyo Ismaamulka Diridhaba, gaar ahaan deegaanada kala ah Awbarre , Danbal iyo caasimada Jigjiga ee Dawlad deegaanka Somalida Ethiopia. Waxaan taageero buuxda oo dhinacyo badan leh aanu la garab taaganahay , isla markaana Hambalyo u diraynaa guulaha wax ku oolka ah ee ka soo baxay shirkii 8aad ee xisbiga XDSHSI, shirkaasi oo ka dhacay caasimada gobolka Nogob ee Fiiq,sidoo kale waxaan taageero baaxad leh u muujinaynaa Maamulka DDSI oo ah mid ku dhisan wax wadaqabsi muuqda iyo horumarka balaadhan ee uu qabtay maamulka suuban ee dib u curashada DDSI, waxaana waxqabadka muuqda keenay oo hormood u ah Mudane Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo aanu la garab taaganahay taageero balaadhan hadaanu nahay qurba joogta deegaankaas waxaan ku hambalyeynayna wax qabadka iyo kartida iyo hufnaanta uu muujiyey mudadii uu xilka hayey Madaxweynuhu.

Waxaa kale oo aan hambalyo iyo Taageeraba u diraynaa sidii uu u qabsoomay Shirweynihii 8aad ee xisbiga dimuqraadiga shacbiga soomaalida Itoobiya ee lagu qabtay Magaalada Fiiq iyo goaamadii dhaxal galka ahaa ee ka soo baxay, go’aamadaasi oo aan u aragno kuwo dhaxalgala oo gaadhsiinaya shacabka DDSI horumar iyo badhaadhe.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waa madaxweynihii ugu horeeyey deegaanka horumar intaa leeg gaadhsiiyey, haday noqon lahayd xaga dhismayaasha wadooyin, ceelasha biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo dhismaha Wadooyinka iyo weliba sida loo hirgaliyay maamul daadajin oo ilaa heer qabalee shaqaynaya. Waxanu mudane hiil iyo hooba kuu haynaa hadaan nahay qurbajooga deegankaas kasoo jeeda wixii dalka iyo dadkayaga DDSI u baahan yahay ee taageero ah diyaar ayaan kuulanahay, sidoo kale waxa aanu kugu hambalyaynaa dadaalka aad wado dhinac walba, waxa aanu kugu hambalyaynaa argtida fog ee aad deegaanka kililka 5aad ee Soomaalida Ethoipia ku horumarinayso ee ku dhisan aqoonta aad umadaada ku hagayso ayna ku dheehan tahay Kartida iyo Hufnaanta aad muujisay mudane Madaxweyne.

Waxa aanu hambalyaynaynaa Madaxweyne ku xigeenka cusub ee ee Dawlad deeganka somalida Ethiopia Mudane Mawliid Haayir iyo xubnaha kale oo ah shakhsiyaad karti , aqoon iyo daacadnimoba leh oo u qalma xilalka loo magacaabay, Mudane Mawliid iyo xubnaha kale ee la doortay waxaan leenahay ilaahay ha idiin fudaydiyo xilkaas culus ee la idin saaray, ilaahayna ha idinka dhigo kuwa DDSI iyo shacabkooda Ethoipia Anfaca, dalkiina iyo dadkana si daacada ugu shaqeeya.

Magacyadaya Qurba joogta Hambalyada dirayaanaa waa sidan.

1. Prof.Axmed Muxumed Nuuri (Cuday)

2. Dr.Hassan Maxamuud Maxamed

3. Dr.Bashiir Cabdi Cabdilaahi

4. Hassan Haaji Maxamuud

5. Maxamed Axmed Xaaji Muuse

6. Yacquub Xasan Barkhad

7. Ahmed Deheeye

8. Mahdi Cali Aaden

9. Eng.Qaasim Aw Xuseen Tuur

10. Ahmed Cali Aadan

11. Saciid Muuse Jibriil

12. Xuseen Cabdi Ismaaciil

13. Dr.Foosi Abdi Ismaaciil

14. Eng. Mahdi Xuseen Suldaan

15. Prof. Mahdi Cabdi Ducaale

16. Eng. Cabdirahman Gabalaax

17. Sh. Cabdi Daauud Xuseen

18. Axmed Xuseen Aleel

19. Muumin Xasan Sh. Muumin

20. Maxamed Idiris Camash

21. Dr.Khaaliid Maxamuud Aare

22. Jamaal Xaaji Cumar Aare

23. Dr. Fuaad Daahir Jibriil

24. Prof. Abiib Daahir Caamir

25. Kayse Cabdilaahi Hoori

26. Abiib Barkad Suldaan

27. Qareen.Bashiir Sh. Xaamud Sh. Ahmed

28. Dr. Baashe Cumar Muumin

29. Fuaad Barkhad Cumar

30. Cumar Muxumed Cumar Tahliil

31. Dr. Haaruun Cumar Qaadi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles